Ukraine oo ku gooddisey inay gooynayso Buundada ugu dheer qaaradda Yurub + Sawirro

0

(Hadalsame) 16 Juun 2022 Ukraine ayaa ku gooddisey inay beegsanayso buundada Marinka Kerch ee isku xirta Crimea iyo dhulwaynaha Ruushka oo isku xirta dhul gaaraya 18.1 km, islamarka ay hesho hubka ay ka sugayso reer Galbeedka, sida uu sheegay Major-General Dmitry Marchenko Arbacadii, mar uu waraysi siiyey xarun ay Dowladda Maraykanku maalgeliso.

“Buundada Kerch sida cad waa bartilmaameedkeenna koowaad,” ayuu Marchenko u sheegay Crimea Realities (Krym.Realii), isaga oo ka hadlaya buundada ugu dheer Yurub, oo la furay 2018-kii, waxaana dhisay Ruushka kaddib markii uu Crimea ka xoogey Ukraine 2014-kii. Xarunta uu ka hadlay waa mashruuc ka tirsan Radio Free Europe/Radio Liberty, kaasoo ay Dowladda Maraykanku maalgeliso.

Waa in aan gooynaa. Waayo mar alla markii jidkaas la gooyo waxay (Ruushku) bilaabayaan argagax. I rumayso, kuwa calamada Ruushka ka lulaya Simferopol, waxay si degdeg ah u heli doonaan calammada Ukraine oo ay beddelkeeda bilaabaan inay surtaan.” ayuu yiri.

Faallada Marchenko ayaa waxay qayb ka ahayd waraysi la daabacay Arbacadii, kaas oo uu ugu bishaareeyey reer Ukraine “weerar rogaal celin ah” oo uu sheegay inay Kiev ku guuleysan doonto dhammaadka xagaagan – haddii hub iyo rasaas ku filan ay ka yimaadaan Maraykanka iyo xulafadiisa NATO.

Hadalsame Media