Hadal CULUS oo uu hadda kahor sheegay Raysal Wasaaraha magacaaban oo soo baxay (Daawo)

0

(Hadalsame) 15 Juun 2022 – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ra’iisal wasaare u magacaabay Xamsa Cabdi Barre oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka xubinna ka ahaa isla xisbiga Madaxwayne Xasan Sheekh.

Madaxwaynaha ayaa sheegay inuu in muddo ahba ka baarandagayey xulashada qofka noqon doona Ra’iisal Wasaaraha DF Somalia, islamarkaana uu u arkay inuu Xamsa yahay shakhsi ka soo bixi kara howshan.

Haddaba, Xamsa ayaa isaga oo aan RW Wasaare noqon waxaa laga qoray aragtidiisa ku aaddan sida wax looga qaban karo Somalia isagoo sidoo kale sheegay inuu leeyahay hami sare oo ku aaddan sida taa wax lagaga qaban karo.

Xamsa ayaa sheegay inuu doonayo inuu ”siyaasadda Janno ku galo”, isagoo xusay in si dalka wax looga qabto loo baahan yahay wax huritaan shakhsi ah iyo dadaal dheeraad ah.

Wuxuu tusaale usoo qaatay dalal badan oo uu ka mid yahay dalka Turkiga iyo halka uu ka qaaday MW Erdogan oo aad u hormariyey dalkaasi, waxayna ka dhigan tahay in RW cusubi uu leeyahay aragti qaran, balse wax kasta waqtiga ayaa sheegi doona. Imtixaanku waa hadda!

Hoos ka daawo…

Hadalsame Media