Jeneraallada Ruushka & Ukraine oo markii ugu horreeysey bilaabay inay toos u wada xiriiraan + Dal Muslim ah oo kala shaqaynaya…

0

(Hadalsame) 16 Juun 2022 – Waxaa la sameeyey khad taleefoon oo u dhaxeeya jeneraallada Ruushka iyo kuwa Ukraine si ay uga wada xaajoodaan su’aasha ku saabsan in si nabdoon ay maraakiib xabuub lagu shixnaday uga baxaan dekedda Odessa, sida ay sheegtay warbaahinta Turkigu, iyadoo soo xiganeysa Wasaaradda Gaashaandhigga ee Ankara. Malaayiin tan oo badar ah ayaa ku xayiran dekedaha Ukraine.

Wasiirka Difaaca Turkiga, Hulusi Akar, ayaa sameeyey “khadkan” u dhexeeya Wasaaradaha Difaaca ee Moscow iyo Kiev, iyadoo ay labada dhinac ay arrintan u kala magacowdeen sarkaal guud, si ay uga wada hadlaan arrimaha farsamada ee soo xiritaanka maraakiibta raashinkan qaadaysa, sida ay sheegayso warbaahinta Turkiga ee TRT.

“Shaqadeenna farsamo way socotaa,” ayuu Akar u sheegay TRT. Qorshaha la soo jeediyey ayuu ku tilmaamay in dadka reer Ukraine ay miinada ka nadiifiyaan dekedahooda si ay maraakiibtu ugu soo xirtaan ugana baxaan, kaddibna Ciidamada Badda ee Ruushku ay maraakiibta ka soo gelbiyaan dekedaha oo ay geeyaan meelo loogu talo galay inay isugu yimaadaan – iyadoo la nadiifinayo wixii miinooyin ah ee jidka ku jira – markaasi Ciidamada badda ee Ciidanka Badda Turkiga ayaa la wareegaya dhanka gelbinta Badda Madow, si ay u sugaan ammaankooda.

“Waxaan wadahadallo adag la leennahay Ruushka iyo Ukraine labadaba. Labada dhinacba waxay yara muujinayaa xoogaa laba-labayn ah. Waxaan se ka shaqaynaynaa sidii aan u xallin lahayn khilaafaadkaas. Waxaan rajaynaynaa wanaag,” ayuu raaciyey.

Qorshaha Akar uu tixraacayaa waxa uu aad ugu egyahay soo jeedintii wax lagu sheegay “marinka xabuubka” ee ay tebiyeen warbaahinno badan horraantii bishan. Kiev ayaana si cad u dhaleeceeysay fikraddaasi, waxayna sii wadday inay Ruushka ku eedayso inay miinooyinka gelinayso meelo ka baxsan xeebaha Odessa iyo inay “xadayso” badarka Ukraine oo ay dibedda u iib gaynayso.

 

Hadalsame Media