Wax qolkan dhex yaalla oo ay aad ugu maadsadeen shacabka Kenyan-ku iyo 2 arrimood oo deg deg loogu baahan yahay

0

(Muqdisho) 10 Juun 2022 – Madaxwaynaha Kenya ee Ahuru Kenyatta ayaa ka mid ahaa madaxdii shalay kasoo qaybgashay munasabadii caleemo-saarka ee MW Xasan Sh, kaasoo uu markii dambe kulan gaar ah oo hordhac ah la yeeshay.

Sida ay xogtu sheegayso, waxay kulankaa dambe labada hoggaamiye isku afgarteen in xiriirka labada dal la xoojiyo lana hagaajiyo, si loo turxaan bixiyo madmadow badan oo ku kala dhex jirey labada dhinac.

Yeelkeede, dadka Kenyan-ka ah ee ka fal-celinayey warkan ayaa si wayn u weeraray qolka ciriiriga ah ee ku dhex yaalla Garoonka Aadan Cadde ee uu MW Somalia uu ku qaabilayey madaxdii caalamka, taasoo u baahan 2 arrimood oo ay tahay in wax looga qabto si deg deg ah.

Balse horta aannu qaar kasoo qaadanno jawaabaha fal-celinta ah ee shacabka Kenya iyo sida ay u arkaan qolkan cuyuubanka ah.

Apostle Jason Winner ayaa soo qoray: ”Dalkani (Somalia) waa inuu daacad noqdaa bal eega miiska qolka nasiinada Madaxwaynaha.”

Gabar Hellen la yiraahdo ayaase ugu soo jawaabtey: ”Ugu yaraan meesha miis ayaaba yaalla… Wayba kasii darnaan kari lahayd.”

Mid baa is waydiiyey: ”Ma dhufays-dhuleed ayay ku jiraan mise?!”

Tom Masinde ayaa yiri: ”Haddii uu kani yahay qolka nasashada ee madaxtooyada, waxaan qiyaasayaa sida muwaadiniintoodu u nool yihiin.”

JN Gathinji oo woxoogaa noo roonaa ayaa yiri: ”Saaxiib, wanaagsanow, noqo Diplomaasi. Soomaaliya waa dal deris nala ah, taariikhdoodana waad garanaysaa. Waxay naga mudan yihiin taageero.”

The Architect oo yara waaqici ahaa ayaa yiri: ”Marka laga soo bilaabo tafaasiisha saqafka sare iyo cabbirka qolka waxay hubaashii u egtahay konteennar la maduufikeeyey. Laakiin muhiimadu waa xil-wareejinta nabdoon.

Intaasi waxay ka mid ahaayeen faallooyinkii ay dadka Kenyan-ku ka bixiyeen qolkii yaraa ee shalay la dhex fariisiyey madaxda caalamka qaarkood, waxaana waajib ah 2 arrimood:

1 – In inta ammaanka wax laga qabanayo ugu yaraan dhisme caadi ah laga sameeyo Garoonka Aadan Cadde si loogu qaabilo wufuudda caalamiga ah, gaar ahaan kuwa ka cabsanaya inay tagaan Madaxtooyada. Hoteel 4 xiddigood ahba waa ta laga dhex dhisay e maxaa diidaya in laga dhiso guri ay dowladdu wax ku qaabisho oo konteenarkan dhaama? Kolleey in kharash ummadda loo tashiilayo darteed arrintani uma xayirnee?

2 – Markii ugu horreeysey ee ay doorasho ka dhacdo teendhada ku dhex taalla Afisyooni waxay ahayd 10 sanadood kahor markaasoo uu isla Xasan Sheekh MW noqday 2012-kii, waxaa hoggaankii mudadaa Somalia soo maray oo uu Xasan Sheekh markii 2-aad saaxada soo gelayo ceeb ugu filan in hankeennu weli dhaafi la’yahay hoolkaa marooyinka laga sameeyey ee Garoonka ku yaalla.

Waa khasab in ammaanka wax badan oo badan laga qabto markan. Xasanow haddii aad fursad 2-aad oo aad wax ku saxdo raadinaysey maantaba waa adigaa haya.

Ammaanka, ammaanka, ammaanka!

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media