Turkiga oo dejiyey qorshe cusub oo ajnabiga ku adkaynaya inay ku dhex safraan dalkaasi (Soomaalida maxaa ka khusayn kara?)

0

(Ankara) 10 Juun 2022 – Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga, Suleyman Soylu, ayaa shalay ku dhawaaqay tallaabooyin cusub oo laga qaadayo qofkii lagu helo daabulka muhaajiriinta sharci darrada ah.

“Rakaabka ajnabiga ah ee gobollada looga soo qaado tagaasida, waxaan amar kusoo rogi doonnaa tagsiilayaasha si ay u hubiyaan inay haystaan dukumeentiyada ogolaanshaha u kala socodka gobollada ee laga doonayo rakaabka ajnabiga ah. Qofna ma aha inuu noo kala daabulo soo galootiga sharci darrada ah,” ayuu yiri Soylu.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyey shir ay yeelatay Hay’adda Socdaalka oo ka dhacay Guriga Goballada Gölbaşı ee caasimadda Ankara ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii looga hortegi lahaa in dadka sharci darrada ihi ay dalka dhex gooshaan.

Soylu ayaa ku nuux-nuuxsaday inay isla shalay warqad u direen gudoomiyeyaasha gobollada, islamarkaana ay qaadi doonaan tallaabooyin cusub oo la xiriira tagaasida iyo gawaarida kale ee dadkan daabula, iyadoo boosteejooyinka lagu xirayo kaamarooyin, sida uu sheegay Wasiir Gudeedka Soylu.

Arrintan ayay tahay inay la socdaan dadka Soomaalida ah ee laga yaabo inay halkaa sharci darro ku galaan ama sharci ku galaan, balse ay doonayaan inay kasii tahriibaan, si ay u haystaan waraaqaha laga sheegayo.

Hadalsame Media