Kenya oo shaacisay goorta xayiraadda laga qaadayo Jaadka ay Somalia u dirto

0

(Muqdisho) 10 Juun 2022 – Madaxwaynayaasha Kenya ee Ahuru Kenyatta ayaa ka mid ahaa madaxdii shalay kasoo qaybgashay munasabaddii caleemo-saarka ee MW Xasan Sh, kaasoo uu markii dambe kulan gaar ah oo hordhac ah la yeeshay.

Sida ay Madaxtooyadu sheegayso, waxay kulankaa dambe labada hoggaamiye isku afgarteen in xiriirka labada dal la xoojiyo lana hagaajiyo, si loo turxaan bixiyo madmadow badan oo ku kala dhex jirey labada dhinac.

Haatan dhinaca Dowladda Kenya ayaa waxaa kasoo baxday xog kale oo sheegaysa in muddo 2 todobaad gudohood ah la rafaci doono xanibaaddii ay Somalia horay ugu soo rogtey Jaadka Kenya.

”Soomaaliya ayaa dhowaan xayiraadda ka qaadi doonta Jaadka Miraa ee Kenya, sida uu ku dhawaaqay Wasiirka Beeraha ee Peter Gatirau CS Munya.” ayaa lagu soo qoray warqaadka NTV Kenya.

Hadalsame Media