LEE SHIN: Ninkii iibsadey shirkad beri shaqo u diiddey (Hadal laga qoray)

0

(Hadalsame) 10 Juun 2022 – Dhammaadka lixdameeyada qarnigii tegay ayuu Lee Shin Cheng oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Malaysia shaqo u raadsaday shirkad lagu magacaabo Dunlop Estate.

Shaqadii uu soo raadsaday ayaa loo diiday maadaama uusan luuqadda ingiriiska ah si fiican ugu hadli karin.

Lee Shin shaqada loo diiday darteed uma niyad jabin ee wuxuu bilaabay inuu iskii u shaqeysto, wuxuu aas’aasay ganacsi yar oo uu ku iibin jiray saliidda, saabuunta iyo waxyaabaha loo isticmaalo nadiifinta guryaha.

Muddo kaddib ganacsigiisii ayaa guuleystay wuxuuna noqday maalqabeenka saddexaad ee ugu hantida badan dalka Malaysia, sanadkii 1989-kii wuxuu iibsaday shirkaddii Dunlop Estate oo hadda kahor shaqada u diidday.

Wuxuu yiri: “Haddii ay shirkadda Dunlop shaqo i siin laheyd hadda waxaan noqon lahaa shaqaale miskiin ah oo mushaar ka qaata shirkadda, balse markaan ganacsiga bilaabay oo aan ku tashaday inaan gooni u shaqeysto waxaan noqday milyaneer iibsaday shirkaddii uu shalay shaqada ka baryaayey.”

W; Q: Mustaf Cawil Xasan

Hadalsame Media