Yaasmiin, gabadhii ugu horreeysey ee Soomaaliyeed ee duulisa dayuurad rayid ah + Sawirro

0

(Nairobi) 09 Juun 2022 – Yaasmiin Cabdi Faarax oo 26 jir ah waa gabadhii ugu horreysay ee inta la ogyahay Soomaaliya ka noqota duuliye diyaarad shacab ah. Waxay ku dhalatay magalaadda Wajeer, iyadoona waxbarshadeeda ku qaadatay ismaamulka Wajeer iyo magaaladda caasimadda ah ee Nairobi.

Yaasmiin waxay BBC-da u warrantay xilli ay ku jirtay shaqadeeda, iyadoo diyaarad duulineysa.

Yaasmiin

Kabtan Yaasmiin Cabdi Faarax

Yaasmiin waxay si gaar ah diiradda u saartay, kuna dadaashay inay barato duulinta diyaaradaha. Waxay sheegtay inay jeceshahay shaqadan, haddana waxaa fajac ku noqotay markii ay aragtay sida uu u dhaboobay hamigeedii duuliyennimo.

Xilliga ay BBC-da la hadleysay waxay u kala gooshaysay magaalooyinka Dhoobley iyo Muqdisho. Rakaabka diyaaradda ayaa soo dhoweynayay lana dhacsanaa inay raacan diyaarad ay duuliye ka tahay gabadh Soomaali ah.

Badi diyaaradaha ka howlgala Soomaaliya waxaa duuliya rag qaarkood ay yihiin ajnabi, inkastoo ay hadda soo badanayaan ragga duuliyeyaasha ah ee Soomalida ah.

“Waxaan aad u soo dhoweyneynaa maanta Yaasmin oo diyaaraddan duulineysa. Waa faraxad inaan aragno gabadh Soomaali ah oo duulineysa diyaaraddan,” ayuu yidhi Xuseen Yuusuf Ugaas oo ka mid ahaa rakaabka diyaaradda ay duuliyaha ka ahayd Yaasmiin ee u safreysay Dhoobley iyo Muqdisho,,.

kabtan Chaal ,kabtan Maswali, kabtan Safia,kabtan Say Walahi
Qaar ka tirsan duuliyeyaasha ka howlgala Soomaaliya

Yaasmiin ka hor intii aanay shaqadan billaabin waxaa welwel ku hayay sida ay shaqo ugu heleyso xirfaddan duulinta diyaaradaha oo ay ka baratay magaalada Nairobi shan sano ka hor. “Aad ayaan uga welwelayay maaddaama aanan garaneyn sidaan shaqo ku helayo, waayo lacag ayaan ku bartay, waana muhiim inaad wixii aad bartay ka midho dhaliso oo aad shaqo ku hesho,” ayay tiri duuliye Yaasmiin.

Yaasmin iyo Amiin

Xigashada Sawirka, Yaasmiin & Amiin

Hase yeeshee, waxaa caawiyay tababar muddo shan sano ah ay ku qaadanaysay Soomaaliya. Waxay raaci jirtay diyaaradaha si ay qaabka loo duuliyo ficil ahaan ugu tusaan kabtannada.

“Markaygii hore kalsooni kuma aanan qabin, waana cabsan jiray, balse markii dambe waan la qabsaday,” ayay tiri Yaasmiin Cabdi.

Yaasmiin oo hadda shaqadan la dhacsan ayaa sheegatay inay rabto inay aragto gabadho sideeda oo kale shaqadan qabanaya kuwaasi oo duulinaya diyaarado, waxayna shegtey inay ka caawineyso wixii garb isaatag ah oo hadeey daneeynaayaan shaqadan adag.

Yaasmiin

Xigashada Sawirka, Yaasmiin

Qoraalka sawirka, Yaasmiin

Yaasiin ilaa yaraanteedii ayay ku hammin jirtay inay duuliye noqoto.

“Markaan dugsiga sare ka baxay waxaan ka fikiray wixii aan baran lahaa ama ku taqasusi lahaa waxaan jeclaaday inaan noqdo duuliye, waalidkay ayaan u soo bandhigay weyna aqbaleen,” ayay tiri Yaasmiin.

Kabtan Cismaan Ammiin oo ka mid ah duuliyeyaasha ka howlgala Soomaaliya ee caawiyay Yaasmin ayaa BBC-da u sheegay inuu Yasmiin siiyay dhiiragelin ku filan.

“Gabdho badan oo aan Soomaali ahayn ayaa badanaa ka howlgala, balse haddii gabdhaha la siiyo tobabarro badan iyo dhiiragelin waxaan aaminsanahay in aysan jirin wax ka dheereeya,” ayuu yiri.

Yasmiin ayaa sidoo kale ku rajo weyn inay noqoto duuliye caalami ah iyo inay heer ka gaarto xirfaddeeda.

BBC

Hadalsame Media