Xisbiga SD oo keenay hindiseyaal ay ka mid yihiin in masaajidda la xiri karo & in la musaafurin karo xitaa qofkii haysta dhalashada Sweden

0

(Stockholm) 09 Juun 2022 – Xisbiga cunsuriga ah ee SD ayaa keenay hindise-sharciyeedyo adag oo ay xitaa ku jiraan in masaajidda la xiro iyo in la musaafurin karo qofka haysta dhalashada Sweden.

Waxaa hindiseyaashan ku jira in fara adag lagu qabto kooxaha gaangiska ah ee ku lugta leh dembiyada abaabulan iyo in aan wax naxariis ah loo gelin dadka dembiyada gala sida cafiska.

In booliiska si wanaagsan loo qalabeeyo loona hubeeyo islamarkaana sare loo qaado mushaharkooda, iyadoo la siinayo awoodo gaar ah oo ah inay hubka u isticmaalaan xaaladaha gaar, si ka duwan xeerarka haatan.

Waxaa ka mid ah in la musaafurin karo dadka ay dembiyadu ku cadaadaadan ee xabsi lagu xukumo, iyadoo liiskaa lagu soo darayo xitaa dadka haysta dhalashada Sweden oo inta laga xayuubiyo dalkoodii loo musaafurinayo, haddiiba ay galaan dembi xabsi keenaya.

In masaajidda albaabada la iskugu dhufto lana musaafuriyo imaamyada masaajidda ayaa ka mid ah, haddii lagu helo inay xiriir la leeyihiin kooxaha xag-jirka ah ama ay wadaan howlo xag-jirayn ah, sida ku xusan qoraalka hindisaha SD.

Hadalsame Media