“Gabar qurux badan ayaan jeclaaday balse mar aan gurigeeda tegey waxaa isu kay bandhigtay gabar iyada ka yar kana qurux badan!”

0

(Hadalsame) 08 Juun 2022 – Waxa uu yiri “waxan jeclaaday gabar qurux badan. Waxaan tegay gurigooda si aan u weydiisto ciddeeda.

Intii aan ku guda jirey is barashada qoyska waxaan arkay middii iyada ka yarayd oo in badan kaba sii qurux badan tii aan jeclaaday. Mar kasta oo aan xaggeeda eego waxan arkayay iyada oo aniga isoo eegaysa.

Laba maalmood kadib waxaa i soo wacday isla gabadhii yarayd, waxayna igu tiri waan ku rabaa ee si deg deg ah u kaalay gurigeenna. Markii aan gurigooda tegay waxay furtay albaabkii iyada oo ku labisan dhar jirkeeda laga dhex arkayo.

Inta ay dhoollacaddaysay ayay si hoose igu dhahday “isii $200, wixii aad rabtana igu samee!”

Si deg deg ah ayaan dhabarka u jeediyay anigoo u dhaqaaqay gadaal si aan ugu laabto gaarigii aan watay.

In yar kadib waxan maqlay cod ka yeeraya guriga dhexdiisa. Waxan isku dayay inan hubsado cidda uu yahay, mise waaba adeerkeed oo igu leh: “Soo dhowoow wiilkaygii, waxad tahay nin ehlu sharaf ah, waxaad ku guulaysatay imtixaankii, maanta laga bilaabana gabadhaan yar adiga ayaan ku siiyay”.

20 sano ayaa laga joogaa maalintii la i siiyay gabadhaas, ilaa iyo maantana ma jirto cid ogaatay sababtii aan dib ugu laabtay gaarigayga oo ahayd inan soo qaado lacagtii ay codsatay gabadha yar ee ahayd $200.

Xusuus qorka Somaalida…

W; Q: Cabdirisaaq Akhwaan Jidhi

Hadalsame Media