Sababta keentay cilladda ku timid internet-ka dalal ay Somalia ka mid tahay oo sharraxaad laga bixiyey

0

(Hadalsame) 09 Juun 2022 – Waxaa ay cilladi ku timid adeegga internet-ka meelo ka mid ah dalalka Afrika iyo Bariga Aasiya qaarkood.

Hadaba Hay’adda Netblocks oo qaabilsan la socodka umuuraha internet-ka ayaa sheegtay inay cilladani u badan tahay burbur wayn oo gaarey xarkaha waawayn ee badda hoosteeda mara.

Dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Tanzania, Madagascar iyo Pakistan ayaa ka mid aha dalalka ay dhibaatadu saamaysay ee bilaa khadka noqday, iyadoo ay go’een fiilooyin xiriiriya khadadka AAE1 iyo SMW5, sida ay sheegtay Hay’adda Netblocks.

Xarkahan la siiyey summadda AAE1, waxaa ay maraan qaaradaha Aasiya, Afrika iyo Europe waxayna isku xiraan ilaa 19 waddan iyo qaaradaha laftooda.

Khubarada ayaa marar badan oo hore ka digey in xarkaha loo yaqaan Fibre Optics ee mara badda gunteedu ay u nugul yihiin cillado soo gaara iyo googo’ haddii ay qabtaan baroosimada maraakiibta amaba ay si kale u go’aan.

Hadalsame Media