Arrin yax yax leh oo ka dhacday munaabasadda caleemo-saarka MW Xasan Sheekh (Daawo)

0

(Muqdisho) 09 Juun 2022 – Hoolka ay ka socoto munaasabadda caleemo-saarka MW DF Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa waxaa ka taagan buuq iyo foowdo, iyadoo meel ay fariistaan la la’yahay qaar badan oo ka tirsan madaxdii caalamka laga martiqaaday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka meel ay fariistaan la’ ay ku jiraan Madaxwaynayaal iyo Danjirayaal caalami ah, waxaana cajiib ah in RW Xigeenkii Xukuumadda Xil-gaarsiinta iyo MW Jubbaland ay makrafoonka qabsadeen iyagoo dadka faraya inay banneeyaan ugu yaraan 2-da saf ee hore.

Dadka bannaanka taagan ayaa waxaa ka mid ah MW Kenya, Ahuru Kenyatta, Danjiraha Sucuudiga iyo qaar kale oo badan.

Safafka hore ayaa la sheegay inay iska buuxiyeen Xildhibaanno iyo xitaa ciyaal baraha bulshada ka qayliya.

Arrintan maamuus xumada ah ayaa weji gabax ku noqonaysa dalka Somalia, iyadoo ay muuqato in qolada nidaamintu aysan si wanaagsan uga soo dhalaalin waajibkii saarraa.

Hadalsame Media