Hoobiyihii Muqdisho: Ninkeedii & gabadheedii waa geeriyoodeen iyada oo 2 lug ka go’anna isbitaal ayay taalla (Ilmo caloosheeda ku jirey….)

0

(Muqdisho) 09 Juun 2022 – Waxaa xalay hoobiyeyaal lagu ridey xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, taasoo sidii caadada ahaydba ay ku waxyeelloobeen dad biri ma gaydo ah oo aysan qaarkood xitaa dhalan.

Qiso dhabanna hays leh oo dhacdadaa aan caqliga ku salaysnayni ay sababtay ayaa qoraalkan laga sameeyey.

“Waxaan caawa isbitaalka Digfeer ku booqday walaashey Hodan Saalax Xayle iyo carruurteeda oo ay dhawacyo culusi kasoo gaareen hoobiye xalay saqdii dhaxe ku dhacay gurigooda oo ku yaalla Degmada Wadajir, Muqdisho.

Allaha u naxariistee waxaa mashaqadaasi ku geeriyoodey seeygeedii, gabar ay dhashay iyo dumashigeed, halka ay ku dhaawacmeen oo ay isbitaalka yaallaan ilaa 7 ruux ay ku jirto Hodan.

Waxa ugu daran iyada oo labada lugood laga jiray iyo wiilyar ay dhashay oo madaxa dhaawac ka gaarey , waxa ayna labadooduba ku jiraan qaybta Daryeelka Deg Degga ah ee ICU.

Waxaa kasii daran inn sidoo kale Hodan lagu qalay cunug yar oo caloosheeda ku jirey, waxaana cunugaasi yar la dhaliyey isagoo caafimaad qaba, balse lugta kaga jabay hoobiyaha ku dhacay hooyadiis.

FG: Hoobiyahaas qof baa soo amray in la rido qof baana gacantiisa ku ridey isagoo aan marna ka fikirin sida uu u kala ridi karo nolosha gabadhan iyo qoyskeeda oo kale.

Inta dhimatay Allaah ha u naxariisto inta dhaawaca ahna Ilaah ha caafiyo.

W; Q: Maxamed Daahir Faarax

Hadalsame Media