Kelmad af Soomaali ah oo uu adeegsadey RW Abiy oo uu ku jiro micne fog oo ISTARAATIJI ah oo Soomaalida ka dhan ah

0

(Muqdisho) 09 Juun 2022 – RW Itoobiya ee Abiy Ahmed, ayaa maanta ka mid ahaa madaxdii sida xallada lahayd uga soo xaadirtay xafladdii caleemo-saarka xaakimka cusub ee DF Somalia, Md Xasan Sheekh.

Ahmed oo hadlay khudbaddiisu ma badnayn inta badanna waxaa ka buuxey kaftan, waxbana gaar uma cayimin, isagoo sidoo kale waqti geliyey xoogaa Soomaali ah oo uu soo diyaarsaday.

RW Abiy Ahmed ayaan halkaa uga harine af Soomaaligii uu jajabsanayey ku muujiyey inuu naxwihiisa fahamsan yahay isagoo soo qoray:

“Waxaan u rajaynayaa Shacabka Soomaaliya nabad waarta iyo barwaaqo!”

Waa sadar iyo wax yar, balse waxaa ku jira micne wayn oo istaraatiji ah oo siyaasad ka tarjumaya marka NAXWE ahaan loo dhuuxo e bal aan fasirno nuxurka ku jira.

Kelmadda Soomaaliyeed Soomaalida uu haysto ee Gobolka Soomaalida ayaa xitaa soo gelaysa, waayo Soomaaliyeed waa magacii oo ummad ahaan loo sifeeyey.

Halka Somalia ay noqonayso magac dal oo khuseeya inta iska leh khariiddadda todobada ah (7) ee ay haatan dunidu aqoonsan tahay.

Hadalsame Media