Itoobiya oo lagala noqday saamigii 19% ahaa ee ay ku lahayd Dekedda Berbera + Sababta

0

(Hargaysa) 10 Juun 2022 – Wararka ka imanaya dhanka Somaliland ayaa sheegaya in DF Itoobiya ay lumisay saamigii ay ku lahayd Dekedda Berbera ooahaa 19%.

Cilladda ayaa waxay Somaliland ku sheegtay in Itoobiya ay buuxin kari waydey shuruuradihii heshiiska Dekedda Berbera ee horay loo kala saxiixday.

Heshiiskaas ayaa u dhexeeyey 3 dhinac oo kala ah; Somaliland 30%, Itoobiya 19% iyo DP World 51%, kaas oo ay kala saxiixdeen 2017-kii.

Wixii waqtigan ka dambeeya saamigii Itoobiya ee ahaa 19% wuxuu u wareegi doonaa dhanka dhinacyada Somaliland iyo DP World.

“Itoobiya way ku guuldarraysatay in ay buuxiso shuruudihii looga baahnaa kahor waqtiga kama dambaysta ah, markaa hadda wax saami ah kuma laha Dekedda Berbera” ayuu ku dooday Sacad Cali Shire, Wasiirka Maaliyadda Somaliland.

Lama oga waxa ay arrintan ka yeeli doonto Itoobiya oo aan weli arrintan ka hadlin.

Hadalsame Media