Horyaalka EPL oo malaayiin doollar khasaari doona Ruushka dartiis

0

(London) 07 Juun 2022 – Horyaalka Premier League iyo naadiyadiisa ayaa ay hursan tahay inay waayaan £43 milyan oo gini oo u dhiganta ($54 milyan oo Doollar) markii ay kansaleen heshiis saddex sano ah oo telefishin ah oo ay la galeen mid ka mid ah warfidiyeennada Ruushka toddobaadkan, sida ay wararku sheegayaan.

Warqaadka Daily Mail ayaa qoray inay ogaadeen in horyaalka heerka koowaad ee Ingriiska uu burrin doono heshiiskii ay kula jireen Match TV – kaas oo lagu waday inuu bilaabo tebinta ciyaaraha EPL xilli-ciyaareedka soo socda – markii ay naadiyadu ku kulmeen AGM oo ku taal Harrogate, Wlqooyiga Yorkshire.

Yeelkeede, Horyaalka Premier League ayaa la sheegayaa inuu dib u dhigayo hirgelinta go’aankan ku saabsan xiriirka uu la leeyahay Match TV iyagoo rajo ka qaba  suurtagalnimada fog ee heshiis is afgarad ah oo la gaaro.

Yet with the ongoing Russia’s military operation in Ukraine termination of the three-year arrangement looks set to be finalized in the next few days.

Hase yeeshee howlgalka millateri ee Ruushku ka wado Ukraine ayaa ku cadaadinaysa inay hakiyaan heshiis saddex sano ah oo ay la galeen Match TV.

Hadalsame Media