Bukaankii ugu horreeyey oo lagu tallaalay dheg loo sameeyey qaabka 3D (Tillaabooyinka farsamada)

0

(Hadalsame) 08 Juun 2022 – Gabar 20 jir ah ayaa lagu soo warramayaa in ay noqotay bukaankii ugu horeeyey ee lagu guulaysto in dhegta lagu beero iyada oo la adeegsanayo tignoolajiyada loo yaqaan 3D printing taas oo unugyada qofka loo adeegsanayo si loo beero kuwo cusub.

Sida laga soo xigtey wargayska New York Times, haweeneydan, oo kaliya loogu yeeray Alexa oo u dhalatay Mexico, ayaa ku dhalatay cillad xaalad naadir ah oo dhalan-rogan ah taas oo sababtay in qaybta sare ee dhegteeda midig ay yaraato.

Dr. Arturo Bonilla, a pediatric ear reconstructive surgeon in San Antonio, Texas who performed the operation, began by removing half a gram of cartilage from Alexa’s ear and making a 3D scan of her healthy left ear, the Times wrote. He then sent this material to 3DBio Therapeutics, a company based in Queens, New York that specializes in regenerative medicine.

Kaddib waxa uu u diray shaybaar ah 3DBio Therapeutics, oo ah shirkad fadhigeedu yahay Queens, New York oo ku takhasustay dawooyinka dib u soo kabashada unugyada.

3DBio waxay isticmaashay muunadda nudaha dhegta fiican si ay u koriyaan balaayiin unug oo deeto lagu daray khad-ku-salaysan kolajiin (collagen), kaas oo markaa la geliyey 3D bio-printer khaas ah si loo abuuro dheg laga sawiray dhegta caafimaadka qabta ee bukaanka. Howsha oo dhan ayaa la sheegay inay qaadatay wax ka yar 10 daqiiqo.

Dhegta la “daabacay” ayaa markaas loo diray Texas iyadoo lagu sii kaydiyey qaboojiye gaar ah si uu u helo Dr. Bonilla, kaas oo isna dhegta ku dhejiyay maqaarka Alexa meel ka sarreeysa lafta daanka.

Qalliinku wuxuu dhacay bishii Maarso, shirkadda 3DBio ayaa sheegtay in dhegtu ay sii wadi doonto dib-u-soo-noolaansho unugyada carjawda ah ilaa ay ugu dambayntii ay ka yeelanayso muuqaalka iyo dareenka dhegta dabiiciga ah, sida lagu faafiyey webka 3DBio.

Yeelkeede, maadaama ay tillaabadani ugub tahay oo iminka uun lagu tijaabiyey 11 bukaan oo ay xubno ka maqan yihiin, waxaa jirta cabsi ah inay dhibaatooyin dhacaan, balse maadaama la adeegsadey isla unugyadii qofka dhakhaatiirta ayaa rajaynaya inaan jirku doodi doonin nudayaasha cusub.

Hadalsame Media