”Carruurta Somalia waxaa kusoo fool leh geeri tarab tarab ah!” – Hay’ad caalami ah oo baaqday inaan kaliya la eegin Ukraine

0

(Hadalsame) 08 Juun 2022 – Dunidu waa inay “indhaha ka weecisaa dagaalka ka socda Ukraine” si looga hortago in Soomaaliya ay xaalad macaluul ah gasho, ayay ku baaqda Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Carruurta ee UNICEF, iyadoo ka digtey in saddex meelood meel keliya $250 milyan oo Doollar oo loo baahnaa si looga hortago musiibooyinka illaa hadda la ururiyey.

Afar xilli-roobaad oo xiriir ah ayaa baaqday Geeska Afrika – wax noqday abaartii ugu darnayd ee soo marta in ka badan 40 sano – iyadoo la filayo in ay baaqdaan markii shanaad, sida ay saadaaluhu sheegayaan.

Abaarta waxa wehlinaya kor u kaca ku yimid qiimaha cuntada iyo shidaalka ee caalamka oo ay dabada ka riixayaan dagaallada ka socda dalka Ukraine, kuwaasoo saameeyey malaayiin qof oo ku nool qaaradda Afrika, islamarkaana keentay in cuntadii daruuriga ahayd ee qoysaska danyarta ihi ay gaarto meel aanay goyn karin danyartu, islamarkaana ay dhimanayaan dalagyadii iyo xoolihii noolaa.

“Haddii dunidu aysan sidoo kale indhaheeda ay kaliya ku eegayso dagaalka Ukraine aysan u weecin oo aanay si degdeg ah arrintan wax uga qaban, waxaa Geeska Afrika kusoo wajahan dhimasho carruureed oo tarab tarab ah,” ayay tiri Rania Dagash, oo ah Agaasime Xigeenka Gobolka ee UNICEF, oo soo saartay warbixin kooban.

Soomaaliya waxaa ku sugan 386,000 oo carruur ah oo u baahan in si degdeg ah looga gaaro nafaqo-xumo nolosha halis gelinaysa, tiradaas oo markii horeba ka badnayd 340,000 oo carruur ah oo gargaar noocan ah u baahnayd sannadkii 2011-kii, kaasoo ahaa sanad ay macluushu ay dishey boqollaal kun oo qof, ayay tiri.

Hadalsame Media