Ukraine oo aad uga xumaatay tillaabo ay Israel qaadday oo u qoonsatay gantaalo casri ah

0

(Tel Aviv) 08 Juun 2022 – Safiirka Ukraine u fadhiya Israa’iil ayaa si kulul u weeraray dalkaasi oo diidey in Kiev la siiyo hubka lidka taangiyada iyo nidaamka difaaca gantaalaha ee casriga ah, isaga oo sheegay in loogu baahan yahay i looga hortago Ciidamada Ruushka.

Isagoo la hadlayey saxafiyiinta Talaadadii, Danjire Yevgen Korniychuk, waxa uu codsaday in la kordhiyo kaalmada millateri ee Israel bixiso, isaga oo dhaleeceeyey go’aan horay loo sheegay in Tel Aviv ay ku hor istaagtey in shixnad gantaalaha lidka taangiyada ee Spike oo ay iyadu samayso loogu raro dalkaasi Ukraine.

“Waxaan rabaa in Dowladda Israa’iil ay ka wareegto meesha qabow ee ay istaagtey oo ay usoo noqoto xaqiiqda,” ayuu yiri, isaga oo ku andacoonaya in saraakiisha Maraykanku ay saxiixeen in gantaalaha Spike la siiyo dalkiisa, iyadoo lasii marinayo Jarmalka, laakiin “Israel ay si cad u tiri maya.”

Faallada Korniychuk ayaa u muuqata inay xaqiijinayso warbixinadii hore ee ku saabsanaa in qorshahan la hakiyey, iyadoo uu xitaa Maraykanku ku guuldarraystay inuu Israel ku qanciyo in gantaalaha Spike lagu hubeeyo Ukraine.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Difaaca Israa’iil, Amir Eshel, ayaa la sheegay in uu diidey oo ka gaabsaday in uu taageero fikraddan iyadoo Israel diiddan tahay arrintan iyadoo ka baqaysa in hubkan haddii loo adeegsado oo lagu dilo askarta Ruushka laga yaabo in ay dhaawacdo xiriirka kala dhexeeya Moscow oo iyadna uga aarsan karta meelo ay ka mid tahay Suuriya.

Ukraine’s ambassador to Israel, Yevgen Korniychuk gives a statement to the media on the Russian invasion to the Ukraine, in Tel Aviv, on February 25, 2022.

Hadalsame Media