Tirakoobka ugu dambeeya ee xisbiyada Sweden oo Soomaalida ka farxinaya

0

(Hadalsame) 08 Juun 2022 – Qiimayntii ugu dambaysey ee Hay’adda Tirakoobka Sweden ee SCB ayaa muujinaya inuu sii kobcayo Xisbiga talada haya ee Social Democrates, halka uu hoos usii dhacayo midka soo galooti diidka ah ee SD iyo kuwa kale ee midigta dhexe ah.

Xisbiga xilka haya ee S wuxuu sidoo kale ka mid yahay 3-da xisbi ee ay bishan codad hor lihi u fuuleen kuwii qiimayntii hore, isagoo ku dhowaad kala bar ka badan Xisbiga cunsuriga ah ee SD oo aysan jeclayn ajnabiga Sweden oo ay Soomaalidu ku jirto.

Yeelkeede, xisbiga la ologga ah ee cagaaran ee Miljöpartiet ayaysan xaaladdu u fiicnayn isagoo ka mid ah 2 xisbi oo haddii ay maanta doorasho dhacdo ka bixi lahaa Baarlamanka qaranka ee Riksdag, maadaama uu ka hooseeyo 4%, isagoo kasii hooseeya Liberalerna oo ka tirsan baloogga mucaaradka ee midig dhexe.

Halkan hoose ka dheeho qiimaynta…

Socialdemokraterna: 33,3 procent (+ 4,2)

Moderaterna: 21,3 procent (- 1,4)

Sverigedemokraterna: 17,0 procent (- 1,6)

Vänsterpartiet: 7,8 procent (‑ 1,4)

Centerpartiet: 6,7 procent (‑ 1,7)

Kristdemokraterna: 5,2 procent (+ 0,6)

Liberalerna: 3,4 procent (+ 0,9)

Miljöpartiet: 3,3 procent (‑ 0,6)

Xisbiyada haray: 2,0 procent (+ 0,9)

Aqlabiyadda isbahaysiyada xisbiyada:

S, V, MP, C: 51,1 procent

M, SD, KD, L: 46,9 procent

Isha: SCB

Hadalsame Media