Guri-qaybeed kale ayay u qalabaysay oo kharash badan ku dhiibtey balse xaas kale ayuu ku aroosay (Kharashka ka baxay & waxa ay samaysay?!)

0

(Hadalsame) 06 Juun 2022 – Sida uu qoray Waragska Alwaddan, xaas ayaa waxa ay kaalmayn jirtey ninkeeda muddo 15 sano ah oo ay is qabeen, iyada oo waliba u dhistay guri wayn oo ay degeen.

Ninkii ayaa xaaskiisa u sheegay in uu jeclaan lahaa in uu qalabeeyo qayb-guri (apartment) kasoo horjeeda si ay halka ugu wareegaan marka dambe, deedna ay u ijaaraan dabaqyada kale ee gurigooda wayn, amaba ay ugu kala nafisaan markii loo baahdo.

Xaaskii ayaa sheegtay in ay ku qanacday fikraddaasi, balse ninkii ayaa u sheegay in uusan hadda waxba isla haynin, markaas ayay ku tiri wixii aan hayo waa wax aad haysato, markaas ayay dhab ku siisay lacag dhan ku dhowaad 80,000 oo Riyaal oo uu ku qalabeeyo guriga.

Markii uu dhammeeyey qalabayntii guriga unbay ka war heshay in uu la guursaday oo uu waliba xaaskii 2-aadna uu la soo degey gurigii ay qalabaysay oo kasoo horjeeda.

Islaantii oo hadal ka sii wadata ayaa tiri: ”Markii aan ku iri ii soo celi lacagtaydii, isagii oo aan is dhibaynin ayuu igu yiri: “Oo ma cid baa xoog kaaga qaadatay soow adigu khiyaar kaaga iguma aadan siinin?!!”.

Hadalsame Media