Baydhabo, maxaa sabab u noqday in la ogaado in Aamina Max’ed boosaneer lagu ridey?!

0

(Baydhabo) 06 Juun 2022 – Sheekh Cali Cabdiraxmaan Axmed oo ah seyga Amiina Maxamed Cismaan oo shalay meydkeeda laga dhex helay helay boosaneerka guri ku yaalla Baydhabo ayaa BBC-da uga warramay sida uu u dhacay baaritaanka.

Wuxuu sheegay in xaaskiisa la la’aa ilaa galabkii Jimcaha. “Waxaa la la’aa laga billaabo 2:30 pm Jimcihii, Sabtidii oo dhan baa la la’aa. Kaddib waxaa la helay galabkii Axadda,” ayuu yiri Sheekh Cali.

Wuxuu xusay in loo tagay shirkadda isgaarsiinta ee ay telefoonkeeda adeegsaneysay xaaskiisa, kaddibna la tixraacay lambarradii u dambeeyay ee ay la xiriirtay. Waxaa lala xiriiray bajaajle ay hal doollar u dirtay, kaas oo tilmaamay guriga uu geeyay.

Booliska oo baaritaanka qeyb ka ahaa ayaa tagay guriga, halkaas oo lagu arkay waxyaabo laga shakiyay.

“Guriga dhiig iyo wax baa lagu arkay iyo meel qof lagu jiiday. Waxay [boolisku] dareemeen in meesha qof lagu dilay,” ayuu yiri seyga Aamina.

Wuxuu intaa ku daray in la sii baaray, lana ogaaday in uu raadku tagayo dhanka musqusha. Waxaa la jebiyay boosaneerka oo lagu arkay shamiito cusub oo dhowaan la mariyay.

Warbaahinta gudaha ayaa qortay in ay gabadhu ugu tagtay ninka gurigiisa oo uu ku ballamiyay si ay uga qaadato lacag deyn ah oo ay ku lahayd. Hase yeeshee, Cali wuxuu noo sheegay in uusan taas xog badan ka hayn, isla markaana uusan noo sheegi karin sababta ay ugu tagtay, iyo caddadka, haddiiba ay jirto lacag ay ku lahayd.

Maxaa loo adeegsaday dilka?

Sheekh Cali ayaa sheegay in isbitaalka oo meydka loo geeyay si loogu baaro uu caddeeyay inay qabtay sagaal dhaawac oo middi ah – ka billow qoorta, kelidda ilaa feeraha iyo meelo kale oo badan.

Ninka oo markii uu falku dhawacayay ku maqnaa Muqdisho ayaa hadda dib ugu noqday Baydhabo si uu uga qeyb qaato aaska iyo tacsida xaaskiisa.

Wuxuu sheegay in ay boolisku xireen ninkii lahaa guriga meydka laga helay. Cali ayaa xusay in uu boolisku u xaqiijiyay in ninka la xiray uu qirtay dilka xaaskiisa.

Sheekh Cali ayaa xusay in loo sheegay in ay suuqley isla ahaayeen ninka laga shakisan yahay iyo xaaskiisa.

Waa tuma Aamina?

Aamina Maxamed

Xigashada Sawirka, Aamina Maxamed

Amiina Maxamed Cismaan waxay ahayd ganacsato dharka ku iibisa dukaan bacadle ah oo ay ku lahayd Baydhabo.

Waxay ahayd hooyada 8 carruur ah oo gabadheeda ugu yar ay 16 sano jir tahay.

Waxay ahayd haweeney dhigata dugsi Qur’aan si gaar ahna ugu xiran misaajidka, sida uu noo sheegay seygeeda.

Booliska ayaa weli baaritaan ku wada kiiska. “Inkastoo uu qirtay, haddana baaritaanka wixii dhiman askarta ayaan ka sugaynaa. Marka xog buuxda la helo ayaan wax un go’aansan doonnaa, laakiin hadda tacsi ayaan ku jirnaa,” ayuu yiri Sheekh Cali.

Gaashaanlaha ayaa sheegay in ninkii baajaatka ku geeyay goobta uu gacan ka geystay arrinta, kaddib markii uu booliska geeyay goobtii uu ku dajiyay.

Shacabka iyo askarta oo ku xoonsan goobta meydka laga helay

Xigashada Sawirka, Radio Muqdisho

Booliska ayaa sheegay inay dib ka soo sheegi doonaan sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilka.

Gaashaanle Sare Amiin Maxamed Cismaan ayaa BBC-da u sheegay in in dhacdadaan ay tahay tii ugu horreysay oo nooceeda ah oo ka dhacday Baydhabo ama guud ahaan Koonfur Galbeed.

BBC

Hadalsame Media