KA FAA’IIDAYSO! Afar qaab oo waxtar leh oo aad ilmahaaga yar ku edbin karto adigoon dharbaaxin

0

(Hadalsame) 06 Juun 2022 – Sideedaba gacan ka hadalku ma keeno faa’iido sidoo kalena wuxuu leeyahay raad-reeb taban oo macnawi ah iyo mid jireed oo qofka la noolaada muddo dheer. Haddaba, waxaa jira dhowr siyaabood oo aad ku edbin karto ilmahaaga yar yar adigoon dharbaaxin ama wax ku dhufan. Qaar ka mid ah hababka ugu wanaagsan waxaa ka mid ah: Halkan ka DAAWO…

1 – Xoojinta Togan (Positive reinforcement)

Xoojinta togan waa hab fiican oo lagu edbiyo ilmaha yar yar adigoon garaacin. Tusaale, waad abaal marinaysaa ilmahaaga marka uu la yimaado hab-dhaqan wanaagsan. Tani waxay ka caawin kartaa ilmahaaga inuu barto dabeecadaha laga filayo waxayna sidoo kale ka caawin kartaa inuu yeesho caadooyin fiican.

Xoojinta wanaagsan waxay sidoo kale kaa caawin kartaa dhisidda isku-kalsoonaanta ilmahaaga. Waayo, marka aad ku amaanto ubadkaaga hab-dhaqanka wanaagsan, waxay dareemayaan wanaag niyadeed iyo kalsooni waxayna u badan tahay inay sii wadaan u dhaqankaa wanaagsan ee aad u birbirisey.

2 – Anshax marin joogto ah

Anshax marinta joogtada ihi waa arrin kale oo muhiim ah oo lagu edbiyo ilmaha yar yar adigoon dharbaaxin. Marka aad tusaale ahaan markasta ku adkaysato waxyaabaha aadan ogolayn waxay u badan tahay inuusan dhaafin xuduudahaa aad u dhigayso.

Tusaale ahaan, waxaad isku beegaysaa ciqaabta sida inaad kaligii meel fariisiso dhowr daqiiqo, laakiin taasi waa inay ku beegnaataa mar kasta oo uu khalad sameeyo, joogtayntaasi waxay ilmaha baraysaa inuu dareemo waxa lagu haysto. Sidoo kale ku dadaal inaad isku beegto xilliga uu ilmuhu khaladka sameeyo iyo ciqaabta.

3 – Isticmaal ciqaab maangal ah

Ciqaabta maangalka ihi, waa hab kale oo wax ku ool ah oo lagu edbiyo ilmaha adigoon garaacin. Waxaad ciqaabta ka dhigaysaa mid ku habboon ama la gudboon dembiga. Tusaale ahaan, haddii ilmahaagu buuq iyo foowdo ka dhaliyo goob aad ka adeeganayso, waxaad u jari kartaa time-out markaad guriga timaado, si uu kaligii cabbaar kooban meel u fadhiyo.

Anshax marinta noocaan ihi aad bay waxtar u yeelan kartaa sababtoo ah waxay ka caawisaa ilmahaaga inuu fahmo sababta loo ciqaabayo. Waxa kale oo ay ka caawisaa inay bartaan in ficilladoodu ay leeyihiin cawaaqib iyo inay u baahan yihiin inay ka taxaddaraan waxay samaynayaan.

4 – Jeedin afka ah

Jeedinta afka ihi waa istaraatijiyad kale oo wanaagsan oo lagu edbiyo ilmaha adigoon garaacin. Waxaad jeedinaysaa dareenka ilmahaaga meel kale marka ay si xun u dhaqmaan.

Tusaale ahaan, haddii ilmahaagu fal xun sameeyo, waxaad dhihi kartaa, “Fiiri shimbirtaa qurxoon!” amaba waxaad xusuusin kartaa wax kale oo uu jecel yahay.
Tillaabadan noocaan ah ayaa ka caawin karta joojinta wixii xumaa ee uu ilmahaagu samaynayey waxayna ka caawin kartaa inay diirada saaraan wax kale. Waxa kale oo loo isticmaali karaa hab lagu dejiyo ilmahaaga marka ay xanaaqsan yihiin.

Xusuusnow, waxaa sidoo kale muhim ah inaad ilmaha ula hadasho si deggan, haddii aad mar kasta qaylo iyo kacsanaan ku wajahdo isna wuxuu lasoo baxayaa hab-dhaqan hujuumi ah (agressive), tan kale, dharbaaxadu maaha habka kaliya ee lagu edbiyo ilmaha, marar badanna waxay keentaa natiijo cagsi ah. Waxaa sidoo kale jira habab kale oo badan oo waxtar iyo badbaado leh oo aad isticmaali karto.

W; Q: Micheal Franklin

W; T: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media