Weriye lagu xanto inuu ”CIA u shaqeeyo” oo bilaabay inuu xogo kasoo gudbiyo waxa ka socda Villa Somalia

0

(Muqdisho) 04 Juun 2022 – George Anderson oo ah weriye sheegta inuu si wayn ugu dhuun daloolo arrimaha Somalia oo reer Galbeed ah, waloow aan weli arrintiisa iyo jiritaankiisa noocaas ahba la xaqiijin, ayaa sheegay in Maxamed Kaynaan laga dhigi doono RW soo socda ee XFS.

Maxamed Kaynaan ayaa horay uga soo shaqeeyey Xafiiska RW hore ee Xasan Cali Khayrre. Wuxuu Kaynaan sidoo kale soo noqday Afhayeenkii Guddigii Doorashada Cumar Dhegeey, Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka Dadban ee 2016-17.

Anderson oo lagu xanto inuu u shaqeeyo Hay’adda Sirdoonka Caalamiga ah ugu qaybsan Maraykanka ee CIA, ayaa sidoo kale horay ugu faanay inuu sii ogaa siina sheegay in Mahad Salaad laga dhigayo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda NISA.

Nidaamka cusub ayaa lagu sheegaa mid biyo-days badan oo aanay siro badani u xafidnayn, iyadoo inta badan todobaadyo kahor lasii ogaa dad ilaa haatan uu xilal u magacaabay MW cusub ee Xasan Sh, taasoo aan ahayn arrin fiican.

Hadalsame Media