Muran adag oo ka taagan tebinta ciyaarta Super Cup ee berri lagu dheelayo Muqdisho (Go’aan dhiig-miirasho lagu tilmaamay)

0

(Muqdisho) 04 Juun 2022 – Xiriirka Kubadda Cagta Somalia oo haatan hoos taga maamul KMG ah inta doorashada laga qabanayo ayaa gaarey go’aan ay ka biyo diideen TV-yada ciyaaraha tebiya ee maxalliga ah.

Xiriirka ayaa kulanka Somali Super Cup ee berri galab 15:30 Stadio Mogadishu ku dhexmaraya Kooxaha Horseed SC & Banaadir SC soo duwistiisa dul dhigay lacag dhan ilaa $US 30,000 oo doollar, taasoo ay arrin ugub ah misna dhiig miirad ah ku tilmaameen hilinnada ciyaaraha tebiya ee Mogadishu Cable TV, Astaan Sports iyo Asal 24.

Yaysanna kaa hoos bixin lacagtu wadar ma ahane halkii TV ayaa waxaa laga doonayaa $US 30,000 oo doollar, marka isugayntu waa $US 90,000 oo doollar.

Xilligii nidaamkii hore ee Cabdiqani Siciid Carab ayaa la sheegay in TV-giiba laga qaadi jirey $US 3,000 oo Doollar, taasoo kororkan ka dhigaysa bootin aad u dheer.

Waxaa dheer in xiriirku uu miisaaniyad fiican sanad kasta ka helo ururka caalamiga ah ee FIFA oo $US 8 milyan oo doollar ula diyaar ah taasoo uga xiran doorashada la sugayo, saasoo ay tahay kooxdii horyaalka qaadda waxaa abaalmarin ahaan loo siinayey $US 11,000 oo Doollar oo qura.

Hadalsame Media