Ciidamada Ukraine oo ku kacay arrin aysan jeclaysan doonin reer Galbeedku (Caddaymo lasoo bandhigay)

0

(Kyiv) 04 Juun 2022 – Dalka Ruushka ayaa horay reer Galbeedka uga digey in hubka ay ku hafinayaan Ukraine si ay Ruushka ugula dagaallamaan ay geli karaan gacmo 3-aad amaba ay xitaa isku hubayn karaan kooxaha cunsuriga ah ee dalkaa ku xooggan sida Azov Batallion iwm.

Waxaa kale oo horay loo sheegay in 3 meelood oo 2 meel aanu hubka loo diro Ukraine halkaaba gaarin, iyadoo xitaa laga cabsi qabo inuu u gacan galo kooxo kale oo mayal adag sida Daacish.

Ruushka ayaa haatan soo bandhigay ceeb halkaa ka socota iyadoo ay Ukraine bilowday inay suuq madow ku iibiso hubkii loogu deeqay, kaasoo lagu iibinayo webka aan inta badan dadka caadiga ihi aysan gelin ee Darknet.

”Ma qaadan waqti badan si cabsidii ay u noqoto mid dhab ah. Ciidamada Ukraine ayaa horraanba iibinaya gantaalka garabka laga rido ee #Javelin ATGM iyo qaar kaloo badan oo ka mid ah gargaarka millateri ee reer Galbeedka iyada oo la marayo Darknet.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaarad Dibadeedka Ruushka.

Ruushka ayaa soo bandhigay caddayn uu sheegay inay muujinayso in hubkaa lagu gadayo Darknet, iyadoo halkii xabbo oo ah qoriga Javelin-ka la saaray sicir dhan 30,000 oo doollar.

Lama oga inay arrintan ka war qabaan madaxda millateriga amaba kuwa kasii sarreeya ee Dowladda Kyiv iyo in kale.

Hadalsame Media