Warkii ugu dambeeyey ee fannaanka Iidle Yare & xaaladda iyo meesha uu ku sugan yahay haatan

0

(Nairobi) 05 Juun 2022 – Waxaa dhegta loo wada taagayey xaaladda fannaanka Iidle Yare oo ku nool magaalada Nairobi, kaasoo maanta soo qoray hadal dardaaran u ekaa.

Waxaa haatan fannaanka ka war keenay Fu’aad Xaaji Cabdiweli isagoo ku warramay sidatan:

Alxamdulillaah, muddo dhowr saac ah oo aan ku jirney baadi goobka walaalkeen Iidle Yare waxa uu kusoo dhammaaday farxad.

Saaka ayuu dareemay xanuun daran, isaga iyo saaxiibkii ayaa isbitaalka wada aadey, deeto faleembooyin iyo irbado xooggan ayaa lagu duray.

Caawa 8pm ee fiidkii ayuu soo caafimaaday, waxa uuna hadda joogaa guri ehelkiisa ah si uu ugu nasto. Waxa uu ii sheegay inuu dadka la hadli doono, balse hadda lagula taliyey in uu hadalka yareeyo, telkana iska fogeeyo.

Waxaa xiriir badan ilasoo sameeyey dad aad u badan oo isugu jira qaraabada Iidle, madax, asxaab iyo dad aan aqoon, balse la damqanaya xanuunka Iidle, dhammaan waxey ila wadaageen talooyin ku waajahan sida loola tacaali karo xanuunka Iidle, Alle idamkii berri markaan kulanno ayaan la wadaagi doonaa talooyinka.

Hadda wuu fiican yahay, usoo duceeya walaalayaal, waxii kale waa inoo subixii Insha Allaaah.

Hadalsame Media