Ma taqaannaa geed ka baxa dhulka Soomaalida oo ay dunidu aad u daraasadayso una qaadato faa’iidooyinkiisa faraha badan dartood?!! + Sawirro

0

(Hadalsame) 05 Juun 2022 – Dhamas: Dhiig Joojiyaha Dhulka – Geedkan dhamaysta la yidhaahdo waxa uu ka mid yahay dhirta caqiibada iyo cajiibka leh ee ILLAAHAY gaar inoogu galladay, waa geedka dhulka soomaalida mooyee adduunka kale oo idil aan ka bixin, waxa laga helaa oo keliya dhulka soomaalida, gaar ahaan xeebaha iyo buuraleyda ku teedsan, asalkiisu na wuxuu kasoo jeedaa dhulka soomaaliyeed oo waa soomaali dhalad ah.

Inkastoo waddamo shisheeye innaga dhaceen oo aan gunaanadka ku xusi doono Budhcad dhireedaas inna dhacday. Geedkan dhamaystu afafka qalaad magacyo kale kuma laha aan ka ahayn Magac soomaaligan Dhamas (Damas). Magac cilmiyeedkiisa na (Scientific name) waxa la yidhaahdaa “Conocarpus lancifolius” (Combretaceae).

Geedkan Dhamaystu wuxuu si dabiici ah uga baxaa dooxooyinka xeebaha.

Mujisooyinka iyo Faa’iidooyinka geedkan Dhamaysta waxa ka mid ah;

1. Geedkan Dhamaystu sida magaciisa ka muuqata waa lidka jeermiska dhulka (Antibacterial And Antifungal), waxaanu ka daweeyaa carrada Bakteeriyada noocyadeedan kala ah; Staphylococcus aureus, Escherichia coli, Pseudomonas aeruginosa, Bacillus cereus, Proteus mirabilis and Klebsella pneumonia, iyo fangayga noocyadiisan kala ah; Aspergillus flavus, Aspergillus niger, Candida albicans and Saccharomyces cerevisae.

2. Geedkan Dhamaystu wuxuu nadiifiya oo uu daweeyaa carrada dhulka oo uu ka nadiifiyaa ka na daweeyaa dikhowga iyo sunta (Contamination And Toxication Soil), kuwaas oo ay sababeen noolaha ku guud nool dhulka (Xenobiotic) sida kimikaaliska dad sameega ah ama uu sababay deegaanka dabiiciga ahi ( Alteration Natural Environment).

3. Wuxuu ka saaraa carrada dhulka biraha culus (Heavy Metals) sida zinc (Zn), lead (Pb), and cadmium (Cd).

4. Wuxuu ka saaraa carrada dhulka oo uu ka soo nuugaa macdanaha saayidka ku ah (Extensive Minerals ).

5. Wuxuu carrada dhulka ka nadiifiyaa salliida shidaalka ee ku daadatay (Oil petroleum).

6. Wuxuu daweeyaa oo uu nadiifiyaa sunta na ka saaraa carrada ay sunaysay kimikaaliska Wershedaha (wastewater), Geedkan Dhamaystu biyaha Wershadaha ee Sunta deegaanka iyo noolaha u daran ah ayuu ku baxaa (Irrigation Wastewater) oo meelaha biyahaas lagu shubo ayuu xididkiisu soo raadsadaa oo lagu arkaa, waxaanu halkii caano-maal ba (24 hours) ka saari karaa carrada sunta xadigeedu dhanyahay 24.2 g illaa 31.5 g.

7. Wuxuu carrada dhulka ka saaraa kimikaaliska orgaaniga ah ee laysku yidhaahdo “Alkaloid”(morphine, quinine, atropine, strychnine and poisons).

8. Geedkan Dhamaystu wuxuu hawada ka nadiifiyaa dikhowga CO2. Waxaanu ka saari karaa halkii marba xadi dhan 9.93 illaa 13.3 μmol m−2 s−1 oo ah CO2.

9. Intaas waxa dheer carro-guurka iyo nabaad-guurka oo uu ka hor tago.
10. Geedkan Dhamaystu wuxuu si dabiici ah u sifeeyaa biyaha dhulka hoostiisa ku jira (Groundwater).

11. Geedkan Dhamaystu looxiisu aad ayuu u tayo sareeyaa oo waxa lagu sameeyaa doonyaha iyo maraakiibta. Sidokale waxa laga sameeyaa dhuxusha (Charcoal) oo aad iyo aad u tayo saraysa. Sidokale waxa la shidtaa xaabadiisa oo aad iyo aad qiiqeedu u hooseeyo.

• Geedkan dhamaystu wuxuu u baxaa si dhakhso ah oo uu ku koraa, Sannadkii 2.5-3m ayaa kusii korodha dhererkiisa, Dherer ahaan wuxuu kor u gaadhaa 20 mitir illaa 30 mitir. Dhamastu waa dhirta ugu dhaadheer ugu na bilicsan dhirta oo idil.

sida dhamastu geedaha
dhirtaa uga saraysaa
adiguna dhamaantood
qayrkaa u dhaaftee

Heesta Khadra Daahir

• Geedkan dhamaystu waa geedlab oo wuxuu u dulqaataa oo uu ka baxaa xaalado adag iyo deegaannada cimilada darran, sida carrada milixda leh (Salt soil), kulaylka aadka u darran, carrada oomanaha ah ee biyo la’aanta ah iyo abaaraha darran. Sidokale wuxuu u adkaystaa carrada asiidha ah oo wuxuu ka baxaa carrada PH keedu u dhexeeyo 6.5-9.5.

• Wuxuu ka baxaa deegaannada joogoodu u dhaxeeyo 380 mitir joog ka hooseeya badda illaa 1500 mitir joog ka sareeya badda (380m below the sea level to 1500m above the sea level Elevation).

• Geedkan dhamaystu biyaha wuxuu ka jecel yahay kulka qoraxda, wuxuu ku badbaadaa oo uu ka baxaa dhulka kulkiisu u dhaxeeyo 20C⁰-40C⁰, kulka ugu hooseeya ee uu u adkaysan karaa waa 15C⁰, kulka ugu sareeya ee uu u adkaysan karanaa na waa 50C⁰. Waxaanu ku dhintaa kulka u dhaxeeya 15C⁰-2C⁰.

• Geedkan Dhamastu biyaha wuxuu u baahan yahay sannadkii oo dhan 250mm-600mm. 21m³ ayuu u baahan yahay sanadkii oo dhan. Sidaa darteed biyaha iyo kulka qoraxda wuxuu doorbidaa kulka qoraxda oo biyaha waa ka adkaysan karaa, waa na sababta uu carrada milixda leh (Sodium/Salt Soil) ee dhirta kale oo dhammi aanay ka bixi karin ay Dhamaystu uga baxdo, waayo milixdu waxay xidhaa oo ay laxaamadaa habidtaankii carrada (Permeable Soil) iyo Moqoraddii Carrada (Porosity Soil), kadib carradu waxay noqotaa mid aan biyaha dulmarayaa na aanay ku duxaynin, biyo na aan qabanaynin, biyo na aan gudbinaynin. Sidaa darteed ayaanay dhirtu uga bixi karin meesha Milixdu ku badan tahay. Laakiin Geedkan Dhamasku waa ka helaaba carradaa Milixdu dishay. Sidokale xididkiisu wuxuu soo raadsadaa bulaacadaha wasakhda.

• Geedkan Dhamaystu waa geed abaareed, gu’ iyo jiilaal waa cagaaran yahay oo caleentu kama dhacdo. Waa geed hadhaca oo waa dhirta ugu hadhka fiican ee damal ka noqota. Waa na geed aad u qurux badan oo bilicda magaalada iyo dhayaha ba u roon.

• Geedkan Dhamaystu wuxuu sifiican loogu beeray magaalada Berbera, haddii aanu geedkan Dhamaystu ku ooli lahayd Berbera laguma noolaan kareen dhankasta ba.

• Geedkan Dhamaystu waa dhirta cimrigoodu fiican yahay ee uu qarni gaadho noloshoodu haddii uu helo deegaankiisa ku habboon.

• Geedkan Dhamaysta haayada IUCN waxay ku dartay dhirta dabar go’a u dhow.

Talo soo jeedin

Geedkan Dhamaysta waxa u baahan in lagu beero waddooyinka Hargaysa iyo Togga Hargaysa inta lagu beerayo Mirimiri iyo Garanwaa Geedxun iyo Geed qalaad ah. Geedkan Dhamaysta si uu u nadiifiyo una daweeyo biyaha iyo carrada ba waa in lagu beero Dooxan Hargaysa ee dhintay ee noqday Sewage and Masswaste Station. Sidokale carrada dhulka Hargaysa waa dhimatay ee ay sunaysay Salliid Ijiinta, shidaalka, danbaska dhuxusha, dawooyinka iyo qashinka kale waa in lagu beeraa geedkan Dhamaysta si uu u daweeyo una soo nooleeyo carrada. Sidokale waa in lagu beero magaalo xeebeedyada soomaaliyeed oo dhan si uu ugu faa iideeyo magaalada isna aanu u dabargo’in.
Geedkan Dhamaysta waxa innaga gurtay waddamo shisheeye, sida India, Pakistan, Yemen, Saudi Arabia, United Arab Emirates, Qatar. Waddanka Imaaraatka Carrabta 24 Dec 2018 wuxuu daabacay inay ku guulaysteen mashruucii Geedkan Dhamaysta loogu beeraayey dhulkooda, wuxuu sheegay 4000 oo geedka Dhamasta ah oo lasoo xidido siibay ay ku beereen magaalooyinkooda iyo dhulkooda.

ILLAAHAYOW na garansii dhaxalkaad na siisay ee shisheeyuhu ka dhergay in aanu annagu na ka faa’iidaysano yaarabi

Tixraac:

1. CONOCARPUS LANCIFOLIUS ENGLER IN SOMALILAND PROTECTORATE:
S. B. Boaler
Empire Forestry (December 1959)
Published By: Commonwealth Forestry Association.

2. tropical,theferns,info/viewtropical,php?id=Conocarpus+lancifolius.

3. thenationalnews,com/lifestyle/home/plant-library-damas-tree-1,453076.

4. A New Mangrove Associated Species Record (Conocarpus L. -Combretaceae) from Tamil Nadu Vijayakumar Dhaarani1, Arumugam Rajendran1*, Ariyan Sarvalingam2 1Department of Botany, Phytodiversity Research Laboratory, Bharathiar University, Coimbatore, Tamil Nadu, India,2Department of Botany, Sri Kaliswari College, Sivakasi, Tamil Nadu, India.

5. Antioxidant, Phytotoxic and Antiurease Activities, and Total Phenolic and Flavonoid Contents of Conocarpus lancifolius (Combretaceae) Malik Saadullah*, Bashir Ahmad Chaudary and Muhammad Uzair Faculty of Pharmacy, Bahauddin Zakariya University,Multan, Pakistan.

6. ANTIBACTERIAL AND ANTIFUNGAL ACTIVITY OF CONOCARPUS LANCIFOLIUS ENGL. (COMBRETACEAE): Saad Touqeer1,*, Muhammad Asad Saeed1, Farheen Ansari2, Nureen Zahra2, Zeeshan Masood1, Maria Fareed2, Ayesha Javed2 1. Faculty of Pharmacy, The University of Lahore, Pakistan 2. Institute of Molecular Biology and Biotechnology, The University of Lahore, Pakistan.

7. In-vitro Antibacterial Activities of Alkaloids Extract from Leaves of Conocarpus lancifolius Engl. Hayssam M. Ali1,3*, Mohamed Z.M. Salem2 and Ahmed Abdel-Megeed1,4 1 Botany and Microbiology Department, College of Science, King Saud University, P.O. Box 2455, Riyadh 11451, Saudi Arabia. 2Forestry and Wood Technology Department, Faculty of Agriculture (EL-Shatby), Alexandria University, Alexandria, Egypt. 3Timber Trees Research Department, Sabahia Horticulture Research Station, Horticulture Research Institute, Agriculture Research Center, Alexandria, Egypt. Plant Protection Department, Faculty of Agriculture (Saba Basha), Alexandria University, Egypt.

8. Phytoaccumulation of Zn, Pb, and Cd in Conocarpus lancifolius irrigated with wastewater: does physiological response influence heavy metal uptake? Fahad Rasheed, Zikria Zafar, Zulfiqar Ali Waseem, Muhammad Rafay, Muhammad Abdullah, Mir Md Abdus Salam, Muhammad Mohsin & Waseem Razzaq Khan.

9. Conocarpus lancifolius Engl. (Combretaceae) photosynthetic apparatus suffers damage in heavy metal contaminated soil Amina Redha, Redah Al-Hasan, Jacquilion Jose, Divya Saju, Mohammad Afzal⌘ Department of Biological Studies, Faculty of Science, Kuwait University, Kuwait.

10. Responses of Conocarpus lancifolius to environmental stress: a case study in the semi-arid land of Kuwait.

W; D: Dhulbeeg Axmed Mooge

Hadalsame Media