War cusub oo kasoo kordhay nin horay loogu sheegay “basaas shisheeye ah” oo xogo soo gudbiya

0

(Muqdisho) 04 Juun 2022 – George Anderson oo ah nin kusoo gala sheegasho ah inuu yahay weriye si wayn ugu dhuun daloolo arrimaha Somalia oo reer Galbeed ah, waloow aan weli arrintiisa iyo jiritaankiisa noocaas ahba la xaqiijin, ayuu war cusubi kasoo kordhay.

Ninkan oo inta badan soo gudbiya xogaha hoose ee Villa Somalia iyo guud ahaan, islamarkaana dhaqankiisa laga dhadhansan karo inuusan ahayn waxa uu sheeganayo ayaa waxaa kasoo korodhay xog cusub.

Cabdinaasir Sola oo ah ku fiican dhanka IT-ga ayaa sheegay in ninkani uu ka tirsan yahay “kooxda Sahan”, sida uu yiri.

Wuxuu intaa raaciyey in ninkani uu lid ku yahay dalka Somalia, isagoo ballanqaaday inuu keenayo sawirkiisa rasmiga ah iyo halka uu deggan yahay.

Hadalsame Media