Somalia oo ka qayb gashay dhoollatus caalami ah oo dhanka badda ah + Sawirro

0

(Hadalsame) 04 Juun 2022 – Cutubyo ka tirsan Ciidanka Badda Sucuudiga ayaa soo gabagabeeyay dhoollatus millateri oo ay si wadajir ah ula samaynayeen dalalka Djibouti, Masar, Jordan, Somalia, Sudan iyo Yemen, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Sucuudiga Sabtidii maanta.

Dhoollatuskan oo sitey magaca ‘Red Wave-5’, ayaa waxaa ka qaybgalay Raxanta Galbeed ee Ciidanka Badda Sucuudiga oo sidoo kale hoggaaminayey hab-dhaqaaqyadii la samaynayey oo ay ka qaybgaleen dalalka kulaala xeebaha Badda Cas.

Howlgalka, ayaa waxaa “kor loogu qaaday u diyaar-garaysnaanta dagaalka” wuxuuna gacan ka gaystay “kor u qaadista awoodaha amniga si loo ilaaliyo badaha iyo marinnada biyaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah iyo dammaanad-qaadista marin-badeedka mashquulka badan ee Badda Cas,” sida lagu sheegay warbixinta Wakaaladda Sucuudiga ee SPA.

Horraantii bishii Maarso, Ciidanka Cirka ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo dhiggooda Maraykanka ayaa wada sameeyay dhoollatus wadajir ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA.

Ciidamada Cirka ee Sacuudiga ayaa dhoollatuska kaga qayb qaatay diyaaradaha F-15 C/SA halka Ciidamada Cirka Maraykanku ay keensadeen noocyada F-16 iyo F-18.

Lama faahfaahin wixii ay Somalia oo aan lahayn kaabayaal la taaban karo oo dhanka badda ah tiiyoo ay ka mid tahay dalalka dunida ugu bad dheer goobta la timid, marka laga reebo in magaceeda la xusay.

Hadalsame Media