Dal wayn oo Yurub ah oo ay dhibaato dhanka tamarta ihi lasoo deristey (Tillaabo uu qaadayo)

0

(London) 04 Juun 2022 – Dowladda UK ayaa wada hadallo uga jirta inay dib ugu furaan xarun muhiim ah oo lagu kaydiyo gaaska dabiiciga ah si wax looga qabto xasaraddaa dhanka tamarta ah ee ku habsatey dalkaas iyo Yurub inteeda kale, sida laga soo xigtey ilo aan la magacaabin oo ay soo xigatey Bloomberg.

Dawladda iyo Centrica, oo ah shirkad caalami ah oo British ah oo tamarta iyo adeegyada ka shaqaysa ayaa lagu soo waramayaa inay ka wada hadlayaan sidii shidaalka looga soo qaadi lahaa kaydka badda ku yaalla ee Rough kahor inta aan loo beddelin kayd hydrogen ah mustaqbalka.

Haddii aan dib ugu noqonno 2017-kii, tamar-qaybiyaha ugu sarreeya Ingiriiska ayaa sheegay in la xirayo kaydka Rough, taas oo ka dhigan ku dhowaad 70% awoodda kaydinta gaaska ee dalka UK oo ifil.

Kaydkan wayn ee ku yaalla Badda Woqooyi ayaa lagu soo warramayaa in mar kale dib loo bilaabi doono in gaaska laga buuxiyo kahor bilowga jiilaalka soo aaddan.

Yurub  ayaa waxay guud ahaan wajaheysaa dhibaato wayn oo dhanka tamarta ah taas oo ka dhalatay dhibkii uu Covid-19 u gaystey silsiladihii saanadeed oo ay weheliso cunaqabatayn aan horay loo arag oo lagu soo rogey Ruushka, oo -qaybiyaha saliidda iyo gaaska ugu wayn gobolka.

Hadalsame Media

Facebook Comments