”MW Xasan Sh 2 qorshe ayaa uga degsan kooxda Al Shabaab” – Wargayska The Economist oo sheeko dheer ka qoray

0

| Warqaadka The Economist ayaa soo qaatay warbixin dheer oo ku saabsan qorshaha uu damacsan yahay MW cusub ee markii 2-aad xilka kusoo baxay ee Xasan Sh Maxamuud.

Markii uu Xasan Sheekh Maxamuud soo galay Villa Soomaaliya isagoo madaxwayne ah 2012-kii, xaalkiisu wuxuu ka yara durugsan yahay iminka albaabadii bacaadka ahaa ee laga soo gelayey Qasriga Madaxtooyada Talyaanigu dhisay, ayuu qoraalkiisa ku bilaabay.

Inkastoo Dowladda Dhexe ay dhowaantaa la wareegtey gacan ku haynta inta badan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, isla markaana ay dib u qabsatay qaar ka mid ah magaalooyinka istaraatiijiga ah ee meelo kala duwan, misna weli dhul ballaaran oo bartamaha iyo koonfurta dalka ah waxaa ay gacanta ugu jireen Al-Shabaab oo ah koox jihaad doon ah oo xiriir la leh Al-Shabaab.

Weerarada argagixisada ah ayaa ahaa kuwo joogto ah: laba maalmood uun kaddib markii la doortay, Mr Maxamuud waxa uu si dirqi ah uga badbaadey isku day dil.

20 sano oo dowlad la’aan iyo dagaallo sokeeye ah kaddib, Soomaaliya waxay markaas u ekayd wax waddan ka yar balse gelgelin dagaal oo ay kooxo is diiddani isku hayaan.

“Waxaan ka soo bilownay meel eber ah.” ayuu yiri Mr Maxamuud oo ka hadlaya markii ugu horreeysey ee uu madaxweyne noqdo.

Haddii lasoo koobo nuxurka maqaalka warqaadka, wuxuu MW Xasan Sh sheegay inuu doonayo inuu marka hore dib u riixo kooxda Al Shabaab oo sanadihii lasoo dhaafay heshay fursad ay maaliyad aad u badan uga ururiso dadwaynaha oo laba dhinac laga canshuuro iyadoo aysan jirin wax adeeg ah oo loo qabanayo.

Qorshaha 2-aad ee ammaan ee MW cusub wuxuu deeto noqonayaa tillaabo uu u qaadayo dhanka wada hadalka kooxda Al Shabaab, si loo gaaro xal siyaasi ah, sida uu qorayo The Economist.

Halkan ka aqri sheekada oo dhamaystiran….

DOLLOW, JUBALAND, SOMALIA - 2022/04/14: A tuktuk with a Somali flag drives during a sandstorm in Dollow, Jubaland, southwest Somalia. People from across Gedo in Somalia have been displaced due to drought conditions and forced to come to Dollow, in the southwest, to search for aid. Somalia has suffered three failed rainy seasons in a row, making this the worst drought in decades, and 6 million people are in crisis levels of food insecurity. The problems are being compounded by the rising costs of food prices because of the Ukraine war. Hence, hundreds of thousands of livestock have died from hunger and thirst. (Photo by Sally Hayden/SOPA Images/LightRocket via Getty Images)