Turkiga oo si rasmi ah magaciisa u bedeley & sabab qosol badan oo ka dambaysa + Sawirro

0

(Ankara) 03 Juun 2022 – Turkiga ayaa hadda si rasmi ah loogu magacaabi doonaa Türkiye kaddib markii ay Dowladda waddanku u dhaqaaqday in ay ka wareegto magacan oo sidoo kale ay la wadaagto shimbirta boollaboollada iyo eray loo adeegsado guuldarrada.

Ururka Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale lagu wargeliyey inay hadda kaddib si rasmi ah u dabbaqaan magacan kaddib markii ay Ankara dalab rasmi ah u dirtay.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobey oo la yiraahdo Stephane Dujarric ayaa sheegay in isbeddelku uu dhaqangalay ‘laga bilaabo’ markii ay heleen warqad uu diray Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga, Mevlut Cavusoglu.

Magaca cusub ay Dowladda Turkigu sheegtay inuu u taagan yahay dhaqanka, ilbaxnimada iyo qiyamka dadka Turkiska.” Sida uu yiri Wasiirku.

Turkiga ayaa sheegay in magaca Turkey ay uga guureen in la yiraahdo shimbir xilliga sabta ama waliimooyinka la qasho iyo in loo adeegsado “wixii fashilma ama qof doqon ah”, sida uu qabo Selim Koru oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Qalaad ee Foreign Policy Research Institute oo la hadlay BBC News.

Cambridge English Dictionary ayaa kelmadda ‘turkey’ ku qeexa shimbirta boolla-boollada, wixii fashilma iyo qofkii doqon ah.”

Yeelkeede, dadka arrintan dhaliilsan ayaa ku doodaya in MW Erdogan uu arrintan u adeegsanayo qaab uu uga dhuunto dhibaatada dhaqaale ee dalkiisa.

Si kastaba, Turkiga gudihiisa aalaaba waa laga adeegsan jirey Türkiye balse waxay haatan doonayaan in duniduna ay sidaa ula qaadato.

Hadalsame Media