Dood ka dhalatay Ilhaan Cumar oo adeegsatey magaca ”Jesus Christ” & fal-celinta dadwaynaha aan xitaa Muslimka ahayn

0

(Hadalsame) 03 Juun 2022 – Ilhaan Cumar ayaa baxar gashay kaddib markii ay iyada oo ka hadlaysa moowduuc aad u kulul oo ku saabsan xakamaynta qoryaha Maraykanka ay adeegsatey kelmad ay inta badan yiraahdaan dadka aaminsan Diinta Masiixiga ah.

Ilhaan Cumar oo ka mid ah Xisbiga Dimoqraadiga oo badiyaa ka horjeeda in dadku si fudud qoryaha iyo hubka u helaan islamarkaana u ololeeya in la xakameeyo oo lasoo rogo xeerar adag ayaa soo qortay sidatan:

”Ciise Masiix, Jamhuuriyiintu waxay kasta u sheegi doonaan si loo ilaaliyo inay sii socoto lacag-dhiigga NRA..”

NRA waa Jamciyadda Qorileeyda Maraykanka oo ah hay’ad xoog badan oo saamayn wayn ku leh miisaska go’aanka lagu gaaro ee Washinton DC iyo gobollada Maraykanka, maadaama ay metesho danaha sharikaadka waawayn ee hubka sameeya ee Maraykanka.

Dadkii sitey magacyada dadka aan Muslimka ahayn ayaa se xitaa dood ka keenay adeegsiga ”Jesus Christ” ee Ilhaan Cumar, halka qaar kalena ay si kale u dhigeen, tusaale, mid ka mid ah dadka aan Muslimka ahayn ayaa arrintan u guuxey oo ku tilmaamay arrin ”wanaagsan”, sida uu yiri.

Andy Gillikin ayaa soo qoray: ”Jesus Christ?!!” Halka dad kale ay iyaguna su’aalo ka keeneen sababta ay Ilhaan Cumar oo Muslim ihi u adeegsatey magaca, waloow in magaca Nabi Ciise (CS) la sheego aysan dembi ahayn, misna meesha lagu adeegsadey iyo ujeedka loo fasiran karo ama uu qofku ula jeedo ayaa muhim ah, maadaama ay dad dhaafsiiyaan nabinnimada.

Hadalsame Media