Maxaa ka jira warka sheegaya in la weeraray hoyga Fahad Yaasiin? (Xog xareedaysan)

0

(Muqdisho) 01 Juun 2022 – Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu durba tillaabo qaaday Agaasimaha Hay’adda NISA ee Mahad Salaad.

Waxaa la sheegayaa in ilaa 30 askari oo ka tirsan Ciidanka NISA iyo labo gaari dagaal oo ahayd ilaalada gaarka ah ee hoyga Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa lagu amray inay ku soo xaroodaan xarunta Taliska dhexe ee NISA.

Tillaabadan ayaa salka ku haysa amar ka soo baxay Agaasimaha cusub ee NISA ee Mahad Salaad oo dhowaan xilka loo magacaabay.

Yeelkeede, warka ku saabsan in la weeraray hoyga Agaasimihii hore ee NISA ee Fahad Yaasiin ayaa ah mid aan waxba ka jirin.

Yeelkeede, waxaa kaliya amar Taliska ka soo baxay lagu amray in ciidamada ilaalinaya guriga Fahad ay ku soo laabtaan shaqadoodii hore, maadaama ay ka mid yihiin Ilaalada Taliyaha NISA.

Hadalsame Media