Israel oo samaysay dhoollatus loo ekeeysiiyey weerar ay ku qaadayso bartilmaameedyo xasaasi ah oo ku yaal dal Muslim ah

0

(Hadalsame) 01 Juun 2022 – Daraasiin ka mid ah diyaaradaha Ciidamada Cirka ee Israa’iil ayaa sameeyey hab-dhaqaaqyo habeenkii ah oo ay ku marayeen Badda Mediterranean-ka iyagoo isu ekaysiinaya weerarro ay ku qaadayaan bartilmaameedyada kala duwan, oo ay ku jiraan xarumaha Nukliyeerka ee Iran, sida uu maanta qorayo The Times of Israel.

Dhoollatuskan ayaa waxa uu qayb ka ahaa ciyaar-dagaalka loo yaqaan ‘Chariots of Fire’ ee Israa’iil, waxaana la arkayey diyaarado dagaal oo laga soo duuliiyey saldhigyo dhowr ah oo ku yaalla dalkaasi iyadoo la sameeyey shidaal qaadasho dhanka hawada ah, duullimaadyo dhaadheer iyo duqaynta bartilmaameedyo fog, sida uu Arbacadan sheegay millateriga Israa’iil.

Warbaahinta Israa’iil ayaa horay u tibaaxday in “Dhoollatuskan millateri uu yahay kii ugu waynaa” taariikhda Israa’iil, iyadoo kumannaan askar iyo kayd ihi ay ka qayb qaateen. Dhoollatuskan ayaa sidoo kale waxaa lagu arkayey ciidamada Israel oo tababarro kala duwan ku samaynaya jasiiradda Qubrus.

Talaadadii, Wasiirka Difaaca Yuhuudda, Benny Gantz, ayaa booqday qayb ka mid ah dhoollatuskan oo diiradda lagu saarayey la dagaallanka dhaqdhaqaaqa Xisbullah ee Lubnaan.

“IDF waxay si joogto ah ugu diyaargaroobeysaa hawlgallo iyo ololeyaal kala duwan, oo ku dhici karo senaariyeyaal ama marxalado kala duwan, waxayna dharbaaxo culus u geysan doonaan qof kasta oo doonaya inuu u halis geliyo muwaadiniinta Dawladda Israa’iil.” ayuu yiri Wasiirku.

Hadalsame Media