HALIS! Cabsida laga qabo inay dhexdooda dagaallamaan ciidamada uu Somalia u tababaray Maraykanku

0

(Hadalsame) 01 Juun 2022 – Go’aanka uu Mareykanku ku gaaray in 500 oo askari uu dib ugu celiyo Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab waa ififaale caddeynaya taageerada dowladda madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Shaacinta waxa uu Hoggaanka Afrika ee Mareykanka (Africom) ku tilmaamay “Joogista milateriga Mareykanka ee tirada yar”, wuxuu nafis u noqon doonaa dadka Soomaaliyeed oo la dhibtoonaya weerarrada kordhaya ee argagixiso.

Ciidanka Mareykanka ee laga saaray Soomaaliya waxaa la dejiyay Jabuuti. Ciidanka dowladda federaalka ah ee isbaheysigooda ayay noqotay in ay buuxiyaan kaalinta Mareykanka ee ku soo bannaanaatay tan iyo go’aankii Trump.

‘Kumaandooska laga baqo ee uu tababaro Mareykanka’

Hase yeeshee, waxaa su’aalo la iska waydiiyaa faa’iidada iyo khasaaraha ay keenayaan ciidanka Mareykanka ee Soomaaliya ka howl galaya.

Mararka qaar, Mareykanka ayaa tababar iyo qalab siiya ciidan ugu dambayntii ay howshoodu noqoto inay iyaga iska soo hor jeestaan.

Ciidamada Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Reuters

Bishii December ee sanadkii 2021-kii, askar uu Mareykanku u tababaray la-dagaallanka argagixisada oo ka howlgala Puntland ayaa labo u kala jabay.

Labadii dhinac ayaa billaabay inay dagaal isaga soo horjeestaan, iyagoo isu adeegsanayay hubkii uu siiyay militeriga Mareykanka. In ka badan 20 qof oo ay carruur ku jiraan ayaa lagu dilay dagaalkaas.

Dhibaatada kale ee jirta ayaa ah in Mareykanku uusan ahayn dalka kaliya ee ajnabiga ah ee tababar iyo hub siiya ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya.

Kumaandooska tababarka ugu sarreeya ka qaata Mareykanka oo lagu magacaabo Danab ayaa ah kuwa loogu cabsida badan yahay gudaha Soomaaliya.

Inta badan waxay xirtaan maaskaro madow oo madaxa iyo wajigaba qarisa, marka inshaha laga reebo.

Ciidanka kale ee loo yaqaanno Gorgor ayaa iyagana xirfadaha ka barta militeriga Turkiga ee Muqdisho ku leh saldhiggooda ugu wayn ee dibadda ka ah dalka Turkiga.

Waddamada Imaaraadka, Qadar, Ingiriiska, Midowga Yurub, Eritrea, Uganda, Kenya, Jabuuti iyo kuwo kale ayaa sidoo kale ku lug leh arrimaha la xiriira ciidanka Soomaaliya.

Arrintani waxay horseedday in uusan jirin hannaan wada-shaqeyneed oo ay leeyihiin ciidanka dhexdooda. Mararka qaar ciidan uu dal ka mid ah waddamadaas tababaray ayaa la safta urur-siyaasadeed gaar ah.

Bishii April ee sanadkii 2021-kii, dagaal xooggan ayaa ka dhex qarxay dhinacyo kala duwan oo ka mid ah ciidamada amniga ee ku sugan Muqdisho, taasoo keentay in laga walwalo inuu dalku dib ugu noqdo dagaalladii sokeeye ee horraantii sagaashankii.

Saameynta bixistii askarta Mareykanka

Tirada weerarrada ay Al-Shabaab gaysatay tan iyo markii uu Mareykanku la baxay askartiisa waxay gaartay 2,072, halka ay markii hore ahayd 1,771. Waa koror u dhigma boqolkiiba 17, sida ay sheegtay Xarunta Tababarrada Istaatiijiyadeed ee Afrika (African Center for Strategic Training).

th

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sidaas si la mid ah waxaa boqolkiiba 32 kordhay dagaalka ay Al-Shabaab la gashay ciidanka amniga. Bishii la soo dhaafay, saraakiisha ciidanku waxay sheegeen in 450 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerareen xero uu Midowga Afrika ku lahaa deegaanka Ceel-baraf ee gobolka Shabeellaha dhexe, iyagoo dilay 40 askari oo ka soo jeeda Burundi.

Khabarrada Qaramada Midoobay ayaa Al-Shabaab ku tilmaamay kooxda ugu taajirsan ee xulafada la ah Al-Qaacida. Waxaa dagaalyahannada Al-Shabaab lagu tilmaamaa 12,000 oo maleeshiyo, iyadoo bil kasta ay soo gasho laccag lagu qiyaaso $10 milyan.

Soo noqoshadooda maxay soo kordhin kartaa?

Samira Gaid oo ah madaxa hay’adda falanqeysa arrimaha amniga ee Hiraal oo fadhigeedu uu yahay Muqdisho ayaa BBC Somali u sheegtay in guul Al-Shabaab laga gaaro ay ka imaan karto oo keliya ciidanka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, balse aysan ka imaan doonin Mareykanka ama ciidanka kale ee ajnabiga ah ee hadda jooga dalka.

“Ciidankaas Mareykanka waxay xaddidi karaan keliya dhaawaca ay Al-Shabaab u gaysan karaan dowladnimada Soomaaliyeed mise amniga Geeska Afrika. Intaas ayay noo qaban doonaan,” ayay tiri Samiira.

Kaalinta askarta Mareykanka

th

Askarta Ameerikaanka ah waxay tababarro siinayaan ciidanka Soomaaliya ee loo qorsheeyay la-dagaallanka argagixisada, waxayna ku biirin doonaan talooyin, iyagoo kaalin ka qaadan doona abaabulkooda.

Ciidankaas wuxuu fasax u haystaa inuu beegsado qaar ka tirsan hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab.

Duqeymihii Mareykanka ee hore waxay curyaamiyeen dhaqdhaqaaqii kooxda, waxayna ka hor tageen dhaqdhaqaaqa hoggaamiyeyaashooda sarsare, taas oo adkeysay in ay qaadaan weerarro waaweyn.

Walaaca duqeymaha

Waxaa jira dad walaac ka muujiyay ku soo noqoshada milateriga Mareykanka ee Soomaaliya, iyagoo xusay in dad rayid ah ay dhibaato ka soo gaartay duqeymaha diyaaradahooda duuliye-la’aanta la hago (drone).

th

Xigashada Sawirka, AFP

“Dad rayid ah ayaa lagu dilay duqeymaha Mareykanka,” ayay tiri Xaliimo Axmed oo ah ardayad dhigata Jaamacad. Aabbaheed ayaa bishii September ee sanadkii 2021 lagu dilay weerar ismiidaamin ahaa oo ay gaysatay Al-Shabaab.

“In maska madaxa laga jaro waxay keeneysaa in masas badan ay soo baxaan,” ayay tiri.

BBC

Hadalsame Media