Maxaa ka jira muuqaalka gabar weriye Carbeed ah oo la sheegay inay ku maadsanayso RW Somalia?!! (Daawo)

0

(Hadalsame) 31 Maajo 2022 – Waxaa maalmahan la wareejinayey muuqaal muujinayo RW Max’ed Xuseen Rooble oo laga dhigayo inay ku maadsanayso gabar weriye Carbeed ah oo ka tirsan BBC-da af-Carbeedka oo ku qoslaysa Wasiirka Koowaad.

Waxaa se la hubiyey in arrintaasi aanay u dhicin sida laga dhigayo oo muuqaalladan la isku jarjaray iyadoo la is waafajiyey qosolka gabadha oo ka hadlaysa MW Poland ee Andrzej Duda, waloow aanu muuqaalku sii sheegaynin sababta ay u qoslayso.

Yeelkeede, waxaa meeshaas ka cad in muuqaalkan oo ay BBC-du raalli gelin ka bixisay aanu shuqul ku lahayn muuqaalka la saaray ee lagu faafinayo baraha bulshada si loogu sawiro inay ku qoslayso RW Rooble oo lacag kala wareegaya Imaaraadka.

Arrintan ayaa ka mid ah dhaqan marin habaabin ah oo aad usii xoogaysanaya oo sanadahan dambe kasoo kordhay baraha bulshada Soomaalida, kaasoo mararka qaar lagu khaldo ra’yul caamka dad caadi ah oo daacad ah, aadna halis u ah.

Hadalsame Media