ATMIS oo hadda kashiftay tillaabo ay qaadeen maalintii doorashada Madaxtinnimada Somalia

0

(Muqdisho) 31 Maajo 2022 – Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, Jen. Cabdi Xasan Maxamed, ayaa ATMIS, Hay’adaha Amniga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ku sharfay gacantii ay ka gaysteen hannaankii doorashada oo guul iyo si nabdoon ku qabsoontay.

Taliyaha Ciidanka ATMIS Jen. Diomede Ndegeya, Taliyaha Qaybta Koowaad ee ATMIS Jen. Keith Katungi, Taliyaha Ciidanka Booliska ee ATMIS, Rex Dundun, ahna Ku simaha Xiriiriyaha Howlgelinta Booliska – Kormeeraha Guud ee Booliska  ATMIS, Allan Tugiizire, ayaa waxaa shahaadooyin guddoonsiiyey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidamada ATMIS, Jen. Diomede Ndegeya, ayaa isna hoosta ka xarriiqay in isku xirnaanta iyo wada shaqaynta dhow ee ka dhaxaysa ATMIS iyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay muhiim u ahayd ilaalinta nabadda iyo amniga. Waxa uu sheegay in doorashada, tallaabooyin taxaddarka faahfaahsan oo heerkii ugu sarreeyey ah  la geliyey.

“Waxaan si dhow ula shaqeynay Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, mararka qaar waxaan qabanayney saddex ilaa afar shir maalintii. Waxaan ku bilownay sugidda amnigii doorashooyinka Maamul-goboleedyada Dowladda Federaalka, iyo ku guuleysiga dhaarinta xubnaha Baarlamaanka,” ayuu yiri Jeneraalku.

”Sidoo kale waxaa guul ku soo idlaaday doorashadii labada Guddoomiye ee Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose, waxaana sidaas lagu doortay Madaxwaynaha. Waxaanu samaynay hawlgelin ku filan oo dhul, bad iyo cirba ah oo aannu ku beegnay xilliyadii ay soo dhowayd doorashadii Madaxtooyada. Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan Ciidamada Amniga Soomaaliya oo gacan ka gaystey intii ay howshu socotey.” ayuu raaciyey Jen. Ndegeya.

AMISOM caadiyan ma adeegsado diyaarado, balse lama oga in ATMIS ay iyadu diyaaradahan lahayd iyo inay kaashanaysey dhinacyo 3-aad.

Hadalsame Media