Aragti taariikheed muujinaysa in gabyaagii madoobaa ee Ruushoobey uu Soomaali ahaa (Qaybtii 3-aad)

0

(Hadalsame) 01 Juun 2022 – Xilligu wuxuu ahaa goor qarni iyo bar laga joogo dagaalladii saldanadda Awdal ay la gashay boqortooyadii Xabashida. Beelaha Soomaaliyeed waxay ka soo kabanayeen dhaawacyadii iyo dhaqaale xumidii ka soo gaadhay ololaha dagaalkii cuslaa ee uu hoggaaminayay Imaamkii waynaa. Sida laga wariyay Ibraahin Gaani, waxaa dhalay nin hodan ah caaqilna u ahaa beeshiisa. Ibraahin aabihiis Gaani wuxuu lahaa dhowr xaas iyo 19 caruur ah. Wuxuu kaloo lahaa dad biddood ah, kuwaas oo isugu jiray kuwo uu dhaxlay iyo kuwo dagaallo lagu soo qafaashay. Odeyga aabihiis ah (Gaani Baal) wuxuu ku dhintey dagaal ay degaanka ku soo qaadeen ciidamo ka socdey boqortooyada Cismaaniyiinta Turkiga, kuwaas oo ujeeddadoodu ahayd dhul-boob. Halkan ka akhri qaybtii 2-aad….

Sanadkii 1703-dii, Ibraahin waxaa laga soo qafaashay xeebaha gacanka Berbera. Waxay ahayd xilli dadka madow la iibsan jiray oo loo mari jiray hoggaamiye dhaqameedyada. Degaanka Soomaaliya, in-kasta oo afrikaanka kale uu uga dhow-yahay carabtii iyo Turkidii dadka madow ka kexeysan jiray bariga qaaradda, misana soomaalidu waxay ahaayeen dad ka il-baxsan Afrikaanka kale oo kama ayan suuroobin in caruurtooda ay iibiyaan. Laakiin xeebta dheer oo Soomaalidu ku leeyihiin badda ayaa waxay sabab u noqon jirtey, bad-maaxyada la socda doonyaha ku gooshaya in ay caruurta soomaalida ah xadaan. Dabadeed ay doonyaha kula baxsadaan. Ibraahin wuxuu kamid noqdey caruurihii Soomaaliyeed oo nasiib-darridu heshey.

Xilligaas la qafaalanayo Ibraahin, da’diisa intay ahayd waa laysku khilaafsan yahay. Waxaase leysku raacsan yahay in uusan weli gaarin toban sano jir. Waxaa lala qafaashay gabar walaashiis ah oo dhowr sano ka weyneed. Dhowr iyo toban sano ayay jirtay. Iyadu waxay dhimatay intii socdaalka lagu sii jirey. In-kasta oo aanan la hayn qaabkii ay u dhimatay, misana waxaa la wariyey in ay baddu la tagtey iyada oo badbaadineysa walaalkeed. Nimankii Ibraahin qafaashay waxay geeyeen magaalada Istanbuul. Wiilkii yaraa wuxuu ku danbeeyey qasrigii uu suldaanku degganaa. Waxaa xilligaas saldanadda hayay Suldaan Axmed-kii III-aad (1673 – 1736). Waxaa taagnaa colaad u dhexeysey Turkiga iyo Ruushka. Labadan boqortooyo ayaa waxay isku-heysteen degaanka Kriim (Crimea).

Ibraahin wuxuu markiiba noqdey wiil ku dhow suldaanka. Sidaa darteed wuxuu la socdey ogaallo sir ah oo la xiriira suldaanka iyo dowladdiisa. Sheekooyinka laga tebiyay arimahan waxaa kamid ah, in Ibraahin uu xogo sir ah u gudbin jiray nin kamid ah la taliyayaasha suldaanka. Isagu wuxuu xogta u-sii gudbin jiray dan-jiraha Ruushka u fadhiyay magaalada Istanbuul. Goor-danbe waxaa la ogaadey, la-taliyihii sirta bixin jiray oo waa la diley. Waxaa halkaask u kala-go’ay xiriirkii Ibraahin iyo danjirihii Ruushka. Qaysarkii Ruushka Peterburg, wuxuu ahaa nin la socdey sirta uu ka helayay qasriga Suldaan Axmed, qofka soo tebinayay in uu yahay wiil yar oo Afrika laga keeney. Markii uu maqlay in la-taliyihii la diley ayaa qaysarkii wuxuu danjirihii ka codsadey in wiilka yar la soo badbaadiyo oo Ruusiya loo soo dhoofiyo.

Xilligaas, dan-jiraha Ruushka u fadhiyay Istanbuul wuxuu ahaa Pyotr Tolstoy (1645 – 1729). Danjirihii wuxuu ku guuleystey in uu gacanta ku dhigo Ibraahin. Lama garanayo, ma iibsadey, ma xadaey, ma soo af-duubtey, mid ay tahayba danjirihii wuxuu fursad u heley in wiilkii yaraa uu ka soo dhex-saaro khatartii. Dabadeed uu u soo dhoofiyo Ruusiya. Ibraahin wuxuu markii hore ku soo dhacay gacanta nin diblomaasi ah oo u dhashay dalka Bosniya, kaas oo la oran jiray Sava Vladislavich-Reguzinsky (1669 – 1738). Isagu wuxuu wiilkii yaraa ka soo saaray albaabkii waynaa ee qasriga, dabadeed wuxuu ula dhoofey waqooyiga.

Ibraahin oo ka soo baxay qasrigii suldaanka ee Istanbuul, wuxuu galay qasrigii qaysarka ee Saint-Peterburg. Xilli qaboobe ah oo uu barafku meel-walba ceegaago ayuu soo gaaray Moosko. Waxay ahayd cimilo uusan horey u arag. Sidii loo wadey, Ibraahin waxaa la geliyay aqalkii casaa ee Krimiliinka. Markiikii ugu horeysey oo wiilkii yaraa uu la kulmo ninkan sayidkiisii ah waxay ahayd maalintii krismaska ee sanadkii 1704-ta, xaflad aad u ballaaran dhexdeed. Dadka Ruushka ah maahayn sida reer galbeedka kuwo horey u arkay qof madow. Sidaa darteed, xafladdii habeenkaas ka dhacday Krimiliinka ee sanadka cusub lagu soo dhoweynayay, waxaa xiiso gaar ah u yeeley wiilkan madow oo goob-joogga ahaa. Laakiin wiilkii yaraa habeenkaas farxad uma oollin oo aamus ayuu ku dhamaystay xafladdii. Waayo dad uusan af-garanayn ayuu dhex-yimid.

Ibraahin wuxuu Ruusiya yimid xilli dalka laga hir-gelinayo mashaariic uu qaysarka ku il-bixinayo dadkiisa iyo dowladdiisa. Dalkan ayuu qaysarkan hortiis wuxuu ahaa mid caalamka ka xiran. Gaar ahaan shucuubta Yurub ayaa waxay noqonayeen kuwo ka soo gudbiyay xilliyadii gudcurka.

Aqoon-yahanno iyo abwaanno u kacay ayaa u horseedey in ay ku baraarugaan xeerarka nolosha. Peter, wuxuu doonayay in uu la jaan-qaado maamulladaas Yurub ka jiray. Sidaas darteed wuxuu xoojiyay xiriirkii uu la lahaa boqortooyooyinkii ka jiray Yurub. Wuxuu Moosko ku casumay masuuliin waawayn oo ka socda maamulladii Yurub ka jiray. Kulamada uu wufuudda la samaynayay waxaa shumac ifaya ka ahaa, wiilkan yar ee Afrikaanka ah oo mar-walba dhinac fadhiya qaysarka. Arintaasi ayaa Peter wuxuu ku gudbinayay farriin ah in qasriga Ruushka uu ka hufan yahay aragtida ah shisheeye-nacaybka.

La soco qaybtii 4-aad…

Qore: Dr. Saadiq Enow

E-mail: saadiqm1000@gmail.com

Hadalsame Media