Dhaqan-xumo la caadaystey: Arrin shacabka dowladnimada nacsiinaysa oo ay madaxdu daa’imeen

0

(Hadalsame) 31 Maajo 2022 – Haddii masuuliyad dawladeed laguu dhiibo, inaad qof muhiim ah tahay, oo shaqadaadu adag tahay ha lagu moodo. Xafiiska ha imaan ilaa dadka danta ka leh yimaadaan oo safku dheeraado.

Inaad xafiis cidla ah aroortii timaaddo waxaa ka fiican in markaad timaaddo dadku kugu soo yaacaan iyagoo waraaqo ku tusaya oo aad adigoon la hadlin xafiiska horay u gashid.

Ilaa soddon daqiiqo xafiisku ha kuu xirnaado si loo ogaado inaad kombiyuutarkii shidanaysid oo hawlihii shalay wixii ka harsan as dhammaystiraysid.

Madaxda dawladdu markay arkaan dadka bannaanka xafiiskaaga tuban waxay ogaanayaan in meesha shaqo ka socoto. Xafiis dadka degdeg loogu adeego oo aan saf dheer loogu jirin in dawladdu xirto ayaa suurtagal ah.

Markaad nus saac xafiiska fadhido, dibedda u soo bax oo dadka waxaad ku tiraahdaa “safka gala oo nidaamka barta, qof aan warqad sax ah wadan waxba uma qaban karno”.

Kuwa saxiixa keliya u baahan berri soo noqda ku dheh illeyn saxiixaagu wax sahal la isaga heli karo maahee. Weliba saxiixaagu ha ahaado mid dheer oo qurux badan oo qalin gaar ah lagu saxiixo.

Ha ka baqin in madaxdaadu ogaadaan inaad shaqo aan jirin dadka ku maaweelinaysid waayo waddanka oo dhan ayaaba sidaas isaga socda. Maalintiiba dhawr qof keliya u dhammee hawshooda.

Markaad guriga ku noqoto reerku daal ha kaa dareemaan, oo dawladdaan baas ee sidaas kuugu shaqaysanaysa ha maagaan. Dadka qaar galabtii iyo habeenkii makhaaydaha ha kuugu yimaadaan, hadday madaxdaada xaggooda ka socdaan meeshooda ugu saxiix haddii kale waxaad tiraahdaa adeer shaqadu meel iyo waqti ayay leedahay ee nidaamka barta. Masuul aan la doondoonin masuul maaha niyadda iska dheh.

W; Q: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media