Ukraine oo Ruushka ugu gooddisey gantaal uu ugu deeqay dal reer Yurub ah (Meel ay sheegeen inay qabsanayaan)

0

(Kyiv) 29 Maajo 2022Wasiirka Difaaca ee Ukraine, Alexey Reznikov, ayaa ku dhawaaqay in kyiv ay “weli ku guuleysan kari doonto” dagaalka kala dhexeeya Ruushka. Si la mid ah saraakiisha kale ee reer Ukraine, Reznikov waxa uu rajadiisa ku xirey hubka ay siinayaan dalalka shisheeye, gaar ahaan gantaalaha lidka maraakiibta ee Harpoon oo ay siisay Denmark.

Qoraal dheer oo uu Facebook-ga soo dhigay, Reznikov wuxuu uga mahadceliyay “dhowr” waddan kaalmada howsarrada 155mm ee madaafiicda goobta, wuxuuna ku ammaanay Maraykanka shixnaddii ugu dambaysey ee madfac ridaha howsarka ee M777 155mm iyo in ka badan 100 daroon oo noocyo kala duwan ah.

“Waxaan jeclaan lahaa in aan ku wargeliyo in difaaca xeebaha dalkeenna aan kaliya lagu xoojin doonin gantaalaha Harpoon – balse waxaa sidoo kale loo tababaray dadkii isticmaali lahaa oo reer Ukraine ah,” ayuu raaciyey.

Isniintii, kaddib kulan khadka tooska ah oo uu la yeeshay xulafada Maraykanka, gaar ahaan Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Lloyd Austin, wuxuu sina ku dhawaaqay in Denmark ay tiro aan la cayimin oo gantaalahan Harpoon ah u diri doonto Ukraine.

Gantaalkan oo ay dhisto shirkadda Maraykanka ee Boeing lana yiraahdo Boeing A/U/RGM-84 Harpoon waa gantaalka caadiyan ay Ciidamada Badda Maraykanku ay u adeegsadaan lidka maraakiibta, waxaana lagu qiyaasay inuu jaro masaafo dhan 300km.

Waxa uu leeyahay hagitaan firfircoon oo raadaar ah isagoo mushaaxa meel in yar uun ka sarreeysa oogada dhulka ama badda, balse marka ugu dambaysa ee uu bartilmaameedka u yara dhowaado ayuu sare u kacaa isagoo samaynaya hab-dhaqaaq u astaan ah isagoo yoolka dusha sare uga yimaada. Gantaalaha Harpoon-ka waxaa sida caadiga ah laga soo ridi karaa maraakiibta dushood iyo xitaa diyaaradaha dagaalka.

“Waxaan ku kalsoon ahay in walaaltinnimada millateri ee ka dhaxaysa gantaalaha Harpoon-ka iyo kuwa Neptune ay naga caawin doonaan inaan xoreyno oo aan ka dhigno Baddeena Black Sea mid nabdoon mar kale, iyo in sidoo kale aan dhowraarinno magaala maarsada Odessa,” ayuu yiri Reznikov.

Gantaalaha ‘Neptune-ku’ waa nooca Cruise-ka ee uu farsameeyo isla dalka Ukraine kaas oo ay kyiv ku andacoonayso in uu ahaa midkii ay ku quusiyeen markab dagaalkii Ruushku ku shaafeertami jirey ee Moskva oo lagu naanaysi jirey ”Calan-sidihii Badda Madow”.

Markabkaas ayaa lahaa dhowr nidaam oo gantaalo kala duwan ah iyo ilaa 5 raadaar, balse waxaa la sheegay in lagu jeediyey daroonka Turkiga ee Bayraktar TB2, balse intii ay halkaa ku maqnaayeen loo qariyey 2 Neptune oo laga soo ganay magaalada Odessa oo joog hoose ku duulayey. Moscow marna ma aysan aqbalin sheegashooyinkan, waloow ay qirtay inuu markabku degey iyadoo ku qiil samaysatay jiritaanka cillado dhanka cimilada ah.

Hadalsame Media