Cudur halis ah oo kusii fidaya dalka UK & dadka uu ku dhaco oo looga digey galmada (Arag jaantuska)

0

(London) 30 Maajo 2022 – 71 kiis oo kale oo busbus-daanyeer ah ayaa lagu arkay gudaha Britain, iyadoo madaxda caafimaadku ay ku boorriyeen qof kasta oo isku arka finan cusub inuu ka fogaado galmada.

Hay’adda Ammaanka Caafimaadka UK (UKHSA) ayaa sheegtay in bukaannada cusub ay dhamaantood ku sugan yihiin England. Waxay taasi ka dhigaysaa wadarta guud ee Boqortooyada Midowday (UK) 179 KIIS tan iyo markii ugu horreeysey ee la ogaaday kiiskii 1-aad Maajo 6, iyadoo tiradaasi kor u kacday 69% tan iyo Jimcihii – taasoo ah bootintii ugu waynayd ilaa haatan.

Ku dhowaad ​​​​dhammaan caabuqyada kiisaskan waxaa ay ku urursan yihiin England, marka laga reebo 4 kiis oo ah gudaha Scotland, 2 Woqooyiga Ireland iyo mid gobolka Wales ah.

Dhanka caalamka, WHO ayaa sheegtay in qaraxa kiisaska cusub ee sii kordhayaa ay ka dhigan tahay in ay khalad tahay in tirada hadda jirta ay ‘la dhayalsado’. Waxay kale oo ka digtey in haddii caabuqyadu sii fidaan ay dadka nugul iyo carruurta ay u badan tahay inay u dhintaan fayraska, taasoo keeni doonta inay tillaabo qaadaan iyagu.

Ilaa hadda tan iyo markii uu cudurlku dillaacay horraantii bishan Maajo, waxaa uu ku fiday 24 waddan, iyadoo UK, Spain iyo Portugal ay yihiin kuwa ugusii badan.

Hoos ka eeg jaantusyo badan oo tafaasiil ka bixinaya cudurka Busbus-daanyeerka.

Hadalsame Media