Muuqaal muujinaya in Ruushka ay xaaladdu ku yara xun tahay oo soo baxay (Daawo)

0

(Hadalsame) 26 Maajo 2022 – Ruushka ayaa 24-kii Febraayo ku duuley dalka Ukraine xilligaasoo haatan laga joogo 3 bilood iyo 2 maalmood, tiiyoo aanu dagaalku u muuqanin mid dhamaan raba.

Ruushka oo markii hore sida weerarkiisa ka muuqatey doonayey inuu wada qabsado Ukraine, ayaa haatan cududdiisa iskugu geeyey jihada bari iyo tan koonfureed ee dalkaasi, isagoo banneeyey aagagggii woqooyi iyo woqooyi bari ee uu bilowgii weeraray.

Haatan, waxaa soo baxaya sawirro muujinaya in Ruushanka aanu xaalku ugu sahlanayn sidii la moodayey oo uu xaalku ku xun yahay oo ay durba qaniinsan tahay cunaqabataynno 6,000 ka badan oo ay Galbeedku saareen.

Waxaa lasoo raray tawaangi qadiimi ah oo ah nooca T-62 oo loo dhigay dagaalka haatan ka soconaya gobolka Donbas ee bariga Ukraine, kuwaasoo ku jirey bakhaarro ku yaalla Rostov. T-62 waxaa markii ugu horreeysey la howlgeliyey 61 sanadood kahor iyadoo xilligaas la dhisay 22,000 taangi.

Hadalsame Media