”War meesha gala!” – Muuqaal ay ku ceeboobeen ciidamada booliiska oo kasoo baxay weerarkii uu wiilka yari ku qaaday iskuulka (Daawo)

0

(Uvalde) 26 Maajo 2022 – Waxaa xog cusub laga helayaa dil wadareedkii uu gaystey Salvador Ramos oo ahaa 18-jir 21 qofood oo carruur dhiganaysey dugsiga hoose ee Robb Elementary laayey dorraad.

Ramos oo la sheegay inuu soo wadaagay sawirka laba qori oo nooca AR15 ah iyo khasnad 3 maalmood kahor weerarkii uu ka gaystey dugsiga hoose ee Robb Elementary, halka qaybta bio-ga boggiisa TikTok ay ku qoran tahay: ‘Carruurtu ha baqaan irl’ (nolosha dhabta ah), ayaa waxaa soo baxaysa inuu iskii uga bogtey laynta dadkan tiiyoo ay jirto inay bannaanka iskuulka dhoobnaayeen ciidamo aad u hubaysan oo qayladhaantii la diray kusoo baxay.

Hal qof oo dumar ah ayaa kula qaylineysey booliiskii dhoobnaa bannaanka dugsiga: ”Maad gashaan meesha. War gala!,” ayuu yiri Juan Carranza, oo ah 24-jir, oo deggan meel ka soo horjeedda dugsiga. Carranza ayaa se sheegay in saraakiishu aysan gudaha gelin.

Agaasimaha Waaxda Badbaadada Dadwaynaha, Steve McCraw, ayaa u sheegay weriyeyaasha in 40 daqiiqo ilaa saacad ay ka soo wareegtey markii Salvador Ramos, oo 18 jir ah, uu rasaas ku bilaabay ilaalada dugsiga ilaa markii kooxda taatikadu ay toogteen, inkastoo afhayeen u hadlay waaxdu uu sheegay markii dambe in aysan bixin karin qiyaas dhab ah oo ku saabsan muddada uu ninka hubaysani ku jirey dugsiga ilaa markii la diley.

Markii ugu horreeysey ee la wacay 911 waxay ahayd abbaarihii 11:32am, waxaana Ramos la xaqiijiyey in la toogtey 1-dii duhurnimo kaddib markii uu diley askari ka tirsan kuwa Roondada Xadka oo kaashanayey kooxda taatikada, taasoo ka dhigan saacad iyo bar.

Javier Cazares, oo ah aabbaha gabar 10-jir ah oo dhiganayey fasalka 4-aad oo halkaa lagu diley ayaa yiri: ”40 askari oo aad u hubaysan ayaa goobta joogey wax ay sameeyeenna ma jirto ilaa ay xeero iyo fandhaal kala dheceen.”

Muuqaal soo baxay ayaa muujinaya ciidamo aad u lebbisan oo hub fara badan ku raran oo bannaanka taagan, kuwaasoo ay waalidiinta naxsan ee ay carruurtooda xabaddu ku socotaa kula qaylinayaan inay xaaladda faraha la galaan.

Xasuuqan ayaa ahaa kii ugu xumaa ee ka dhaca iskuullada dalka Maraykanka tan iyo sanadkii 2012-kii markaasoo Sandy Hook, lagu laayey 20 caruur ah iyo lix macallin.

Hadalsame Media