XOG: Qorshe ka dhan ah Maamul-goboleedyada qaar oo MW cusub lagu qalqaalinayo oo laga digey

0

(Muqdisho) 26 Maajo 2022 – Todobaadkan ayuu xafiiska la wareegay Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa waxay dad badan ka hadlayaan doodda ku saabsan mustaqbalka maamul goboleedyada xiriirka dhaw la lahaa madaxweynihii isaga ka horeeyay, iyo guud ahaan mustaqbalka xiriirka maamul goboleedyada iyo dawladda federaalka.

Madaxwaynaha cusub markii la doortay, waxa uu kulan la qaatay madaxda Maamul-gobboleedyada, wuxuna sheegay inuu si dhaw ula shaqeyn doono.

Shantii sanno ee la soo dhaafay madaxda maamul goboleedyadu, waxay u qaybsameen kuwa aad ugu dhaw dawladda iyo kuwa khilaaf ba’ani uu dhexmaray. Dawladdu waxay kaalin mug leh ku lahayd in maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ay madaxweynayaal ka noqdaan Cabdicasiis Laftagareen, Axmed Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe, waxayse ku guuldareystay in ay wax saameyn ah ku yeelato doorashooyinkii ka dhacay Puntland iyo Jubbaland ee ay ku soo kala baxeen Siciid Dani iyo Axmed Madoobe.

Hadal heynta ugu badan ayaa ah mustaqbalka madaxda maamul goboleedyada aadka ugu dhawaa madxweynihii hore ee doorashada looga adkaaday Maxamed cabdillaahi Farmaajo. Durba waxaa biloowday dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen oo ka socda magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan oo kasoo gala Koonfur Galbeed oo dhowaan Baydhabo kula hadlay odayaal ayaa sheegay in uu socdo abaabul lagu duminayo Koonfur Galbeed sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna ka digay cawaaqib xumada arrintaasi ka dhalan karta. Siyaasiyiin K/Galbeed kasoo jeeda oo Muqdisho ku sugan oo uu ku jiro qof wasiir ka ah xukuumadda Rooble ayaa qoraalo ay soo dhigeen baraha bulshada ayay ku sheegeen in bisha decembar ee sanadkan loo baahanyahay in doorasho laga qabto Koonfur Galbeed.

Axmed Macalin Fiqi oo horey u soo noqday wasiir ka tirsan maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Axmed QoorQoor, isla markaana ka tirsanaa barlamaankii hore ayaa qaba in mustaqbalka madaxdaasi uu ku xiran yahay hadba sida ay ugu adeegaan dadka ay madaxda u yihiin.

“Awoodaha dawladda federaalku leedahay iyo awoodaha ay leeyihiin dawlad goboleedyadu dastuurka ayaa cayimaya, kaliya waxa la is waydiin karaa hoggaamiyayaashii gobollada qaarkood, siyaasadda Muqdisho inta ku dhex milmay, qayb kamid ah u ol’oleynayay, illaa qaarkood markii dambe hoolka ku dhex oynayeen, kuwaas waa la is weydiin karaa, dee kuwaasna masiirkooda shucuubta ay xukumaan oo dawlad goboleed kaasi ka dhex jirto ayaa masiirkooda iska leh,” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

s
Madaxwyene Qoorqoor

Lafta Gareen iyo maamulkiisaba waxay ku adkeysanayaan in waqtigu ugu egyahay December 2023, tan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii baarlamaanka Koonfur Galbeed ee kal hore u codeeyeen in madaxweynaha iyo baarlamaanka ay isku muddo xilleed ahaanayaan, iyada oo marka hore uu jirey is dabo mar xagga muddo xileedka ah.

Sidoo kale doodahaasi waxay ka jiraan Galmudug oo dhawr jeer oo hore siyaasiyiin deegaanka ah ay sheegeen in loo baahan yahay, in isbadal lagu sameeyo maamulka hadda talada haya.

Axmed Macalin Fiqi ayaa rumeysan in madaxweyne Xasan Sheekh oo qaatay halku dhiga ah Soomaali Heshiis ah, dunidana la heshiis ah aan laga fili doonin dhiniciisa khilaaf dhexmara isaga iyo madaxda kale ee maamul goboleedyada, balse kor joogteyni jiri doonto.

“Laakiin dawlad goboleedyada aadka ugu dhawaa Farmaajo, ma yihiin kuwo adeeggii looga baahnaa iyo shaqadii loo igmaday qabta, shucuubta deegaannadaas ayay ku xiran tahay, Dawladdu Federaalku waxay ku qasban tahay, haddii iyagu aanay go’doon is galin, agoon iska dhigin, haddii iyagu aanay colaad is galin oo aanaysan noqon meelahooda kuwa lagala dirirayo Dawladda Federaalka, waxan u maleynayaa in madaxweynaha nabadoonka ah uu gogol nabadee u fidiyay, wada kulmeen, wada shaqeyn ay ku balameen, dee halkaasna ay ka ambaqaadmi doonto wada shaqayn rasmi ah iyo in lagu koontaroolo inay yihiin kuwo adeegii loo baahnaa u qabanaya dadka ay madaxda u yihiin,” ayuu yiri Fiqi

Dood kale ayaa oranaysa madaxda maamul goboleedyadu waxay noqdeen awood kale oo isku taagta Dawladda Federaalka iyagoo u dhaqmaya sidii inay ka madax bannaan yihiin.

Waxaana la xusuustaa sidii saraakiisha Dawladdu soo magacowday iyo wasiiradeedaba dhawr jeer looga hor istaagay inay tagaan maamullada Puntland iyo Jubaland.

Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa ayaa qaba in maamullada qaar ayba qaateen shaqo kasta oo Dawladda Federaalku lahayd taasoo xumeysay xiriirka labada dhinac.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu doonayo inuu xiriir dhaw la yeesho madaxda maamul goboleedyada
Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu doonayo inuu xiriir dhaw la yeesho madaxda maamul goboleedyada

“Federaalku macnihiisu maaha in Confederal oo kale loola dhaqmo, Dawladdii Dhexe waayo waxay hoos imaanayaan Dawladda Dhexe, laakiin Confederaal waa Dawladdo iskood u taagan, marka waxad moodaa in hannaanka y u shaqeynayeen maamul goboleedyadeenu mid caqabado badan ku sameynaysay Dawladda Dhexe sababtoo ah lacag uunbey soo samaysanine intii kale, waxyaabo aan loo ogoleyn bay sameynayeen, arimaha dibadda way ka reeban tahay, in ciidamadoodu hub la soo dagaan iyadoo Dawladdii Federaalku joogto, ma araktay qalbeeyaan, waxyaabaha ay sameynayeen aadbey runtii u aheyd arimo xadgudub ku ah Dawladda Dhexe.” ayuu yiri Dalxa.

dv
Qoraalka sawirka, laftagareen ayaa wajahaya cadaadis ku saabsan muddo xileedkiisa

Udub dhexaadka khilaafka ayaa ah fahamka Federaalka laga haysto, inkastoo dastuurku kala xadeynayo awoodaha labada dhinac haddana waxa meesha ka maqan shuruuc badan oo kala reebtada u kala diri lahayd dawladda federaalka iyo maamuul goboleedyada.

Dalxa ayaa sheegaya in loo baahan yahay in Barlamaanka cusub uu dhamaystiro shuruucda muhimka u ah nidaamka Federaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh waa waayo arag u war haya wixii ka qabsaday maamul goboleedyada sannadihii uu xafiiska joogay ee u dhaxeysay 2012 illaa 2017, inkastoo qaarkood uu isagu lahaa hindisaha lagu dhisay haddana khilaaf la’aan ma ahayn oo waxay dawladdiisa dhawr jeer isku dhaceen Jubaland iyo Puntaland, waxana looga fadhiyaa siyaasad xasiloon oo ka dhabaynaysa oraahdiisii caanka noqotay intii uu o’olaha doorashada ku jiray ee Soomaali Heshiis ah dunidana la heshiis ah.

BBC

Hadalsame Media

Facebook Comments