Dhacdo kale oo dhabanna hays leh oo kasoo korortay weerarkii iskuulka Texas

0
Irma Garcia - texas shooting

(Uvalde) 26 Maajo 2022 – Sayga mid ka mid ah labadii macallin ee lagu diley toogasho wadareedkii ka dhacay dugsiga hoose ee Robb ayaa u geeriyoodey “murugo darteed,” sida uu sheegay wiil uu adeer u yahay haweenayda.

Joe Garcia oo ka tirsan dadka deggan magaalada uu dhibku ka dhacay ee Uvalde ayaa lagu soo warramayaa in wadno xanuun u dhintay, sida uu John Martinez bartiisa Twitter-ka ku soo qoray.

Garcia wuxuu ahaa sayga macallimaddii fasalka afraad ee Irma Garcia oo ku jirtey 2 macallin oo la dhintay 19 arday oo carruur ahayd.

Waxay Garcia oo ay ilaa dugsiga sare wada socdeen is qabeen 24 sano.

Hadalsame Media