Maamulka MW Xasan Sh oo ay durba soo daahirtay meel uu uga duwan yahay midkii Farmaajo

0

(Muqdisho) 26 Maajo 2022 – MW Xasan Sheekh ayaa Isniintii ugu dambeysey si rasmi ah ula wareegey xilka Madaxwaynaha dalka kaddib markii uu ku guulaystey doorashadii 15-kii bishan Maajo.

MW Xasan Sh ayaa durba bilaabay inuu magacaabo xilal kala duwan oo uu u dhiibayo rag badan oo ay ku jiraan qaar badan oo ay olog ahaayeen.

Ha yeeshee, waxaa muuqata hal meel oo ay durba ku kala geddisan yihiin isaga iyo maamulkii ka horreeyey ee MW hore ee Farmaajo.

Tusaale ahaan, nidaamkii hore waxaa inta badan aad u adkaan jirtey in la helo xogaha hoose ee dowladda oo waxyaabo badan ayaa laga war heli jirey marka ay dhacayaan uun.

Haatan se xaalku waa ka yara duwan yahay, oo waxaa ka mid ah xilalka haatan la magacaabay ama la magacaabayo oo qaar badan oo ka tirsan todobaad kahor ka badan ay bulshadu sio hadal haysey.

Hadalsame Media

Facebook Comments