”War baxa miyaad waalan tihiin!” – Ukraine oo reer Galbeedka furka ku xooray kaddib talo ”waalan” oo ay usoo jeediyeen

0

(Kyiv) 26 Maajo 2022 – La-taliyaha Madaxwaynaha Ukraine, Alexey Arestovich, ayaa la sheegayaa inuu ku celceliyay erayo foolxun si uu u dhaleeceeyo madax reer Galbeed ah oo nidaamka Kiev ku boorrinaya in qayb ka mid ah dhulka dalkaasi ay u gacan geliso Ruushka si nabad loo helo.

“War nagala taga hindisooyinka caynkan ah, doqomayohow, dhulka Ukraine in yar hallaga bixiyo aa?! Ma waxaad tihiin dad waalan? Carruurteenii way dhimanayaan, askartuna waxay madaafiicda ku joojinayaan jirkooda, waxayna noo sheegayaan inaan Ruushka u hurno dhulkeenna. Taasi weligeed dhici mayso,” ayuu ku qayliyey, mar uu waraysi bixinayey shalay.

Arestovich waxa uu dhaleeceeyay caqli-galnimada codadka “qarsan” ee ku dhiirigelinaya Ukraine “inay is xakamayso” oo la siiyo Ruushka dhulalka ay rabaan, maadaama tani ay u ogolaanayso Kiev inay “heshiis nabaded oo dhammaystiran ay la gasho dalkaasi noloshuna ay kusoo noqoto sidii caadiga ahayd.”

La-taliye kale oo la shaqeeya MW Ukraine ee Volodymyr Zelensky, oo la yiraahdo Mikhail Podoliak, ayaa isna aaladda Telegram kusoo bandhigay wax uu ku sheegay “dad reer Yurub ah oo qalqaalo Ruushka la safan wada.”

“Ma iibinno muwaadiniinteenna, geyigeenna ama madaxbanaanideenna. Taasi waa khad cas oo waadax ah. Bulshada Ukraine waxay bixiyeen qiimo aad u xun mana u oggolaan doonno qofna inuu xitaa tallaabo u qaado jihadaan – dowlad walaa waddan taa noo sheegi karaa ma jiro,” ayuu ku dooday Podoliak.

Inkasta oo qofna aanu rabin tillaabo millateri oo dabadheer ama xasarad cunto, “sida ugu gaaban ee lagu soo afjari karo dagaalka waa hub, cunaqabatayn iyo kaalmo dhaqaale oo la siiyo Ukraine,” ayuu raaciyey.

“Reer Ukraine waxay difaaceen Kiev, waxay xoreeyeen 3 gobol waxayna dhamaystirayaan xoraynta midkii 4-aad. Maanta, dad ayaa noosoo bandhigaya inaan Ruushka siinno bariga iyo koonfurta dalkeenna. Waad ku mahadsan tihiin talada, laakiin waxay u badan tahay inaan hubka qaadan doonno.” ayuu ballanqaaday la-taliyuhu.

Hadalka Arestovich iyo Podoliak ayaa yimid kaddib markii Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Henry Kissinger, uu ka hadlay shirka dhaqaalaha adduunka ee Davos Isniintii.

Kissinger ayaa ku boorriyey Ukraine in ay si deg deg ah heshiis nabadeed u sameeyaan, isaga oo ka digey in haddii khilaafka lagu xalin waayo laba bilood gudahood, Ruushku uu noqon karo “xulufo joogto ah” oo uu Shiinuhu yeesho marka ay timaado iska soo horjeedka kala dhexeeya Maraykanka.

Hadalsame Media