Dunida isboortiga oo aad u hadal haysa arrin la yaab leh oo sanadkan iskugu aaddey kooxaha Real Madrid & AC Milan

0

(Hadalsame) 25 Maajo 2022 – Kooxaha Real Madrid iyo AC Milan ee dalalka Spain & Talyaaniga ayaa sanadkan iskaga mid noqday meelo badan oo ay yaab leedahay inay sidaa iskugu aadaan tirakoob ahaan.

Kooxahan oo ka kala dheela La Liga & Serie A ayaa iskaga mid noqday goolasha laga dhaliyey, dhibcaha ay keeneen, guulaha, guuldarrooyinka iyo xitaa barbarraha ay galeen dhanka kulamada horyaalka.

Tusaale ahaan, waxay wada keeneen 86 dhibcood, waxay badiyeen 26 kulan, waxaa laga badiyey min 4 jeer, waxay barbarro galeen min 8 jeer, waxaana laga dhaliyey min 31 gool. Ku dar sidoo kale inay horyaalka wada qaadeen.

Arrintan ayay si aad ah u hadal haysaa warbaahinta isboortiga ka faalloota ee caalamka.

Hadalsame Media